Jotafootballacademy

Call Directions Website Contact the business

Jotafootballacademy Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Jotafootballacademy, Sport & recreation, Maka Al Mukarama Street Mogadishu, Mogadishu.

22/11/2026

Hadal jeedinti Daadir amiin dada Macalinka xulka qaranka U17

Booqashadii qiimaha lahayd ee xiddigaha Qaranka Soomaaliyeed U17 iyo macallinkooda ay ku yimaadeen Jota Football Academy...
21/11/2026

Booqashadii qiimaha lahayd ee xiddigaha Qaranka Soomaaliyeed U17 iyo macallinkooda ay ku yimaadeen Jota Football Academy, qaybta Darusalaam, waxay ku reebtay xusuus gaar ah.

Intii ay booqashada ku jireen, xiddigaha Qaranka iyo macallinkooda ayaa guddoonsiiyey Jota Football Academy abaalmarinno iyo shahaadooyin, taasoo muujinaysa qadarin, dhiirrigelin iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ciyaartoyda heerka qaran iyo jiilka soo koraya.

Waa sharaf weyn in ciyaartoyda mustaqbalka Soomaaliyeed ay dhiirrigelin iyo aqoonsi ka helaan xiddigaha qarankooda.

Jota Football Academy – Building champions on and off the field. ⚽🇸🇴

21/11/2026

Shalay oo Jimce ah, waxaa booqasho sharaf leh nagu soo booqday Jota Football Academy, qaybta Darusalaam, xulka qaranka Soomaaliya U17 iyo macalinkooda, Daadir Amiin Daada.

Waxaan si diirran ugu soo dhoweynay martideena, waxaana farxad weyn noo ahayd inaan xarunteenna ku qaabilno dhalinyarada matasha qarankeenna.

Jota Football Academy waxay mar walba ku faraxsan tahay dhiirrigelinta, horumarinta iyo kobcinta xirfadda ciyaartoyda Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin booqashadiinna, sharaf ayay noo ahayd! 🇸🇴⚽

21/11/2026
21/11/2026

TACSI TIIRAANYO LEH

Maamulka, Macallimiinta, iyo guud ahaan Ciyaartoyda Naadiga Elman Sports Club waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelka, qaraabada, asxaabta, iyo dhammaan bahda kubadda cagta Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee ciyaaryahan Yuusuf Muriidi Abba Saafi.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynaynaa qoyskiisa iyo dhammaan dadkii uu ka baxay, annaga oo Alle uga baryeyna inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdows, qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana dhaafo.

Sidoo kale, waxaan Alle uga baryeynaa ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay inuu ka siiyo samir iyo iimaan.

إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Jota Football Academy waxay farxad iyo sharaf weyn u tahay inay maanta marti sharaf ku qaabisho xulka qaranka Soomaaliya...
20/11/2026

Jota Football Academy waxay farxad iyo sharaf weyn u tahay inay maanta marti sharaf ku qaabisho xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano (Somalia U17) iyo macallinkooda, Daadir Amin Daada, kuwaas oo booqasho sharaf leh noogu yimid xarunta Jota Football Academy, gaar ahaan qaybta Darusalaam.

Booqashadiinnu waxay noo ahayd dhiirrigelin weyn, farxad iyo xusuus qiimo badan. Waxay sidoo kale dhiirrigelin u tahay ciyaartoyda da’da yar ee Jota Football Academy, kuwaas oo ku riyoonaya inay mustaqbalka matalaan dalkooda, kana mid noqdaan xulka qaranka Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa macallin Daadir Amin Daada iyo dhammaan ciyaartoyda xulka qaranka U17 waqtiga ay noo hureen iyo booqashada qiimaha badan ee ay nagu soo sharfeen.

Jota Football Academy waxay aaminsan tahay in taageeridda iyo dhiirrigelinta dhalinyarada maanta ay tahay dhismaha xiddigaha mustaqbalka.

Mar kale, mahadsanidiin booqashadiinna qiimaha badan.

JOTA FOOTBALL ACADEMY
Building Champions On and Off the Field.

19/11/2026

Mahadcelin gaar ah ayaan u direynaa Dawan Africa oo warbixin ka diyaarisay Jota Football Academy Dawan Africa

Shalay oo Jimce ahayd, Jota Football Academy ayaa xarunteeda dhexe ku qabatay tartan kubadeed ay ka qayb galeen carruurt...
14/11/2026

Shalay oo Jimce ahayd, Jota Football Academy ayaa xarunteeda dhexe ku qabatay tartan kubadeed ay ka qayb galeen carruurta iyo ciyaartoyda da’da yar.

Tartankan waxaa loo qabtay in carruurta lagu dhiirrigeliyo kubadda cagta, lagu kobciyo hibadooda, isla markaana ay carruurtu helaan fursad ay isku bartaan oo ay ku wada ciyaaraan.

Waa wax lagu farxo in maanta carruurta iyo waalidiintuba ay sii fahmayaan muhiimadda kubadda cagta iyo isdhexgalka bulshada. Dadaalkeenna waan sii wadeynaa, waxaana rajeyneynaa in carruur badan ay kubadda cagta ku soo biiraan.

Address

Maka Al Mukarama Street Mogadishu
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 01:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252611636363

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jotafootballacademy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Jotafootballacademy:

Shortcuts

Share

Nearby gyms & sports facilities