Inside Somali Sports

Directions

Inside Somali Sports Welcome To Inside Somali Sports🇸🇴⚽️.

Tartankii Degmoyinka Gobolka Banadir wuxu u xayiranyahay in la isku heysto lacagahs Shacabka garoonka uso daawasho tago ...
21/11/2026

Tartankii Degmoyinka Gobolka Banadir wuxu u xayiranyahay in la isku heysto lacagahs Shacabka garoonka uso daawasho tago laga qaado qaabkii loo qeybsan laha.

Hassan Wiish wuxu raba inu kaligiis iska daaqo lacagahaas halka Saraakiil badan oo Ciidanka Booliska katirsan ay diidanyihiin isla markana sheegen hadi dhaxda logu dhufan wayo in aysan amaanka Tartanka sugi doonin.

Tartankii dhama wuxu noqday il dhaqaale laga raadsado!!.




Gudomiyaha Isbortiga Gobolka Banadir Mudane Hassan Wiish oo xanuun dhanka Caloosha ah uu hayo darteed loo baajiyay kulan...
20/11/2026

Gudomiyaha Isbortiga Gobolka Banadir Mudane Hassan Wiish oo xanuun dhanka Caloosha ah uu hayo darteed loo baajiyay kulankii Furitaanka Tartanka Degmoyinka Gobolka Banadir 2026.

Gudomiye Hassan Wiish aya 10kii daqiiqaba 3 mar suuliga ku cararaye sidaas darted k**a qeyb gali karyo kulanka Furitanka Tartanka.



Garsoore Abdalle Sheekha oo Dhowr Jeer h**e ku dhacay Tababarka Orodka Garsoorka aya Loo dhiibay inu qabto Kulanka Furit...
19/11/2026

Garsoore Abdalle Sheekha oo Dhowr Jeer h**e ku dhacay Tababarka Orodka Garsoorka aya Loo dhiibay inu qabto Kulanka Furitanka Tartanka Degmoyinka Gobolka Banadir 2026.

Ciyaar sidaas u miisan culus in loo dhiibo Garsoore kuso Fashilmay Tartan Xafadeedka Puntland wa nasiib darro uso hoyatay Guddiga Garsoorka Xiriirka Kubadda Cagta.

Guddiga Garsorka Xiriirka Kubadda Cagta iyo Sportska Gobolka Banadir waxa isku heysto hal nin oo lagu magacabo Hassan Wiish isaga ayaana iskaga falaado oo cidii Hoos ka laalushta ku qoro kulamada.



Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Somalia aya Wadanka Nigeria uga qeyb galay Kulan weynaha Zonal Meeting ee xiriirada ...
19/11/2026

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Somalia aya Wadanka Nigeria uga qeyb galay Kulan weynaha Zonal Meeting ee xiriirada Africa.

Waxu si gaar ah Madaxweyne Ali Abdi uga qeyb galay kulan looga hadlayay Dardar galinta Koobka Qaramada Africa 2027 oo Marti galin doonto Zone ka Cecafa isago aha masuulka ugu sareeya Cecafa kasocday oo Shirka kusugna.


𝐐𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐨𝐧𝐠𝐚𝐫𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐟𝐢𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧...
19/11/2026

𝐐𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐨𝐧𝐠𝐚𝐫𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐮𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐠𝐭𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐟𝐢𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨.

Kulanka ayaa la filayaa in lagu muujiyo kalsoonida ay u hayaan Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Ali Abdi Maxamed (Cali Shiine) si afarta sano ee soo socota uu mar kale u hoggaamiyo Xiriirka Kubadda Cagta.

Bahda Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa loogu baaqayaa inay muujiyaan taageeradooda, isla markaana ay garab istaagaan dadaallada uu ku horumarinayo kubadda cagta dalka Mudane Cali Shiine.


Ciyaartoyda Degmada Darusalam aya ku jiran xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha ah iyado maamulka Degmada uu xita bixin la'y...
19/11/2026

Ciyaartoyda Degmada Darusalam aya ku jiran xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha ah iyado maamulka Degmada uu xita bixin la'yahay Gaari raaca Xidigaha Degmada ku tagayan tababarka.

Waxa wali Degmada Darusalam lo raadinaya Sponser iyado Shirkadaha Degmada kuyalo dhamaantod iska diiden maal galinta Degmada ayago u sababeyay Musuq Maasuq xoogan oo kajira Maamulka Degmada.





Laacibkii H**e Kooxdaha Elman iyo Dekedaha Osman Okacha aya gaaray wadanka Greece ga kadib Safar Tahriib ah uu uga baxay...
19/11/2026

Laacibkii H**e Kooxdaha Elman iyo Dekedaha Osman Okacha aya gaaray wadanka Greece ga kadib Safar Tahriib ah uu uga baxay Wadanka Turkiga.

Osman aya raacay wadadii kabtankiisi h**e Hagio oo isna Qaarada Yurub iska dhiibay isla markana hada ka ciyaara horyalka Heerka Afaraad Talyaaniga.


Dunida ciyaaraha  oo soomaaliya bogaadisey aadna wax uga qortay!Waxaa socda ciyaaraha loogu soo baxayo koobka kooxaha qa...
18/11/2026

Dunida ciyaaraha oo soomaaliya bogaadisey aadna wax uga qortay!

Waxaa socda ciyaaraha loogu soo baxayo koobka kooxaha qaramada Afrika [AFCON] 2027

Soomaaliya ayaa hadal hayn badan reebtay, kolkii ay la ciyaartay laba ka mid ah kooxaha wadamada ugu awoodda badan Afrika. Kuwasoo ah Ghana iyo Ivory Coast
Soomaaliya ayaa soo bandhigtay ciyaar xirfad ku dhisan oo heerkeedu aad u sareeyo.Taasoo keentay in warbaahinta isboortigu aad u qaadaa dhigaan kulamadaas. Kooxda qaranka soomaaliyeed ayaa looga badiyey si dirqi ah, waxaana mararka qaarkood la laga badiyey daqiiqadihii ugu dameeyey ee ciyaarta, tusaale ahaan kulankii ugu dameeyey ee Ghana waxaa soomaaliya looga badiyey hal gool oo ahaa gool kulaad [ penalty].
Sida la saadaaliyey soomaaliya ayaa sanadaha soo socda yeelan doonta koox heer caalami ah.

Saadaashaa waxaa lagu saleeyey diiwaanka kooxaha Ghana iyo Ivory Coast ee soomaaliya si wanaagsan ula ciyaartay.
Wadanka Ghana ayaa 4 goor ku guuleystay koobka qaramadda Afrika.Halka Ivorycoast ay ku guuleysatay 3 goor.
Kooxda Ghana ee soomaaliya dirqiga uga badisay, labaatan ka mid ah 26 ka ciyaaryahan ee safan, waxay ka ciyaaraan kooxaha waaweyn ee yurub.

Kooxda Ivory Coast , 24 ciyaartoy oo ka mid ah 25 ka ciyaaryahan ee koobka u safan waxay ka ciyaaraan kooxaha qaadarada yurub.
Labadaan waddan, waxay ciyaaryahanadoodu ka ciyaaraan kooxaan soo socda.
Manchester United, Inter Milan, As Roma, Real Madrid, Monaco, Nottingham,Villarreal, Fenerbahce, Nice,Wfl Wolfsburg

U istaag, oo salaan u saar, hambalyey oo u ducee wiilasha soomaaliyeed.Halkaa ka wada ayaan leenahay.Dunida oo dhan baa idin hadal haysa. Waxay la mid tahay inaad guuleysateen.



Madaxa Waxbarashasa Xiriirka Somaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Jamaal Hashi Turre aya Somalia ku matalaya Shir Caalami ...
17/11/2026

Madaxa Waxbarashasa Xiriirka Somaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Jamaal Hashi Turre aya Somalia ku matalaya Shir Caalami ah oo ka socda wadanka Koonfur Afrika.

Jamaal aya Shirkaas kuso bandhigay Horumarka laga gaaray waxbarashada Macalimiinta Somaliyeed oo markii ugu h**esay gudaha dalka lagu qaadanayo Shahadoyinka Heerarka Kala duwan ee CAF A, B, C iyo D.




16/11/2026

Markii ay so dhamatay Ciyaartii Somalia Vs Ghana dhamaan xidigaha Xulka Somalia aya Banaanka garoonka kula kulmen Taagerayal u dhashay wadanka Ghana oo xushmad u muujiyen Ciyartoyda Qaranka ayago so qaatay Calanka Somalia isla markana ku heesayay Somalia Somalia.

Ciyartoyda Xulkeena aya Tagerayashaas siiyen Funanadahoda iyo Jaakadaha Qaranka Somalia si ay xushmad ugu muujiyan.

Football is all About Respect, Mahadsanidiin Xidigaha Qarankeena waad na matashen🇸🇴💙.



Address

2825 Bretton Woods Drive Clombus, Ohio
Mogadishu
43231

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Inside Somali Sports posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share