29/08/2026
Warbixin ay daabacday Africa Intelligence ayaa shaaca ka qaadday in hoggaanka xoogagga gurmadka degdegga ah ee Suudaan (RSF), oo uu ugu horreeyo taliye Hemedti iyo walalaahiis ay xiriir amni oo heer sare ah oo qarsoodi ah la leeyihiin Israa’iil tan iyo intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suudaan.
Walaalaha Hemedti oo kala ah Abdul Rahim iyo Algoney ayaa booqashooyin ku tagay Tel Aviv bishii Maajo 2025 iyo Febraayo 2026, Intii ay joogeen halkaas waxa ay la kulmeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil iyo xubno ka tirsan sirdoonka Israa'iil
RSF ayaa horay loogu xiriiriyay isticmaalka teknoolajiyadda basaasnimada ee Israa’iil, oo ay ku jirto qalabka jabsada taleefannada, kaas oo la sheegay in loo soo dhiibay RSF-ta ka hor inta uusan dagaalku billaaban.
Inkastoo xiriirkan uu jiro, warbixintu waxay cadaysay in taageeraha ugu weyn ee dhaqaale iyo mid milatari ee RSF uu weli yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).