Dowladda Hoose Ee Dagmada Ceelguula

Dowladda Hoose Ee Dagmada Ceelguula Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dowladda Hoose Ee Dagmada Ceelguula, Ceelguula Village, Xin Man.

Taariikh *27-02-2026*GUDOOMIYAHA DAGMADA CEELGUUMA *ABDISHAKUR ABDULKADIR OSMAN* AYAA KA QEYB GALAY KULAN DADWEYNE OO LA...
28/02/2026

Taariikh *27-02-2026*

GUDOOMIYAHA DAGMADA CEELGUUMA *ABDISHAKUR ABDULKADIR OSMAN* AYAA KA QEYB GALAY KULAN DADWEYNE OO LAGU MUUJINAYAY CABASHO KA DHAN AH KA REEBISTA LIISKA UU SOO SAARAY GUDIGA DOORASHA HEER FEDERAAL KAAS OO LAGU SHAACIYAY GOOBAHA AY KA DHACAYSO DOORASHADA GOLOYAASHA DEEGAANKA.

Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada ayaa intii uu socdey la isla meel dhigey doorka Dagmada Ceelguula iyo ka qaybgalka nidaamka Doorasho ee uu dalku u jiheystay iyadoona hoosta laga wada xariiqey in ay muhiim tahay Dagmadu in ay hesho Xaqeeda Dastuuriga ah ee ay Dagmo laheyd.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigey Wareegtooyin Dagmanimo oo heer federal iyo heer State oo ay Ceelguula ka heshay Dowladihii dhexe ee dalka soo maray taasoo ka dhigan in Dagmadu tahay Dagmo soo jireen ah Dowladuna tahay in ay tixgeliso si ay uga qayb ahaadaan Doorashada la filayo in ay gobalka ka dhacdo.

Degmada ceelguula waxay xilligii dowladdii dhexe lahayd dhammaan xarumaha Danta guud iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah degmo rasmi ah, sida waxbarashada, caafimaadka, saldhigga booliska. Waxay sidookale lahayd xaafiiskii Canshuunta ay dowladdi markaas jidhay aqoonsanayd burburkii ka dib Xilligii uu madaxweynaha ahaa Abdulahi yusuf ahmed ayuu degreeto madaxweyne uu ku magacaabay lix degmo oo ay ka mid ahayd degmada Ceelguula.

Kadib waxaa mar labaad magacaabay Madaxweynaha Galmudug Mudane Ahmed Abdi kariye Qoorqoor Inataa wixii ka dambeeyay Ceelguula waxay ahayd degmo sharciyad buuxda leh.

Intaa kadib bulshada reer ceelguula qaybeheeda kala duwan waxay si cad u qaadaceen warqada ka soobaxday guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan iyo Soohdimaha qaranka waxayna isla qaateen in aysan diyaar u ahayn in ay meel kale aadaan oo ka codeeyaan ilaa ay ka helaayaan xuquuqdooda Dastuuriga ah.

Ugu danbeyn

Gudoomiyaha Dagmada ayaa farriin cad u diray Gudiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan iyo Soohdimaha taas oo uu ku sheegay in aysan aqbalayn in la duudsiiyo xaqqii dastuuriga ahaa ee ay dagmadu laheyd, isagoona dhanka kale shaaca ka qaadey in aysan diyaar u aheyn in bulshadu aysan ka qayb ahaan doonin hadaan lasoo sixin khaladka Dagmada laga galay.

Wabilaahi Towfiiq

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi,gelinta bulshada Ee Dowladda Hoose Ee Degmada Ceelguula.

Address

Ceelguula Village
Xin Man
2526

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose Ee Dagmada Ceelguula posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share