09/08/2026
Gabadhaan aad aragtaan ayadoo jid iska mareyso ayaa mid weydiiyay; Hadii aad aragto ninkaaga iyo saaxiibkaaga kuugu dhow dadka oo meel ka dhacayo kee ayaad badbaadlin laheyd?
Waxay ku jawaabtay; "Saaxiibkeyga ayaan badbaadin lahaa, ninkeyga ha is badbaadiyo".
Wariyihii ayaa hadana weydiiyay; "Ninkaaga miyaad nin kale ka dooratay?", inta ay isku naxday ayay tiri; "Hadalka ha ii badalin aniga ninkeyga nin kale k**a doorane", balse wuxuu ku yiri; "Aniga hadalka kuuma badalin ee adiga ayaa sidaas yiri".
Gabadhii ayaa markaas tiri; "Muuqaalkaan iga tir igana masax" goobtii ayayna ka dhaqaaqday, balse ninkii muuqaalkii ma uusan tirin ee wuu baahiyay, waxaa dhacday in muuqaalkii uu noqday mid baaha waxaana mudo yar ku daawatay 40 Million qof, dadkaas waxaa kamid ahaa ninkeedii iyo saaxiibkeediiba.
Ninkeedii ayaana go'aansaday inuu furo naagta asigoona kiis furriin ah maxk**ada geeyay sidaasna ku furay naagtii, balse dhacdada layaabka leh ayaa waxay tahay in gabadhii ayadoo ooyneyso muuqaal iska soo duubtay waxayna sheegtay in ninkeeda furay sidoo kalana saaxiibkeeda dadka ugu dhawaa uu xiriirka u jaray kadib markii ay xaaskiisa midaas ku amartay, haatana aysan gacanta ku heynin nin iyo saaxiib toona.
Mararka qaar hal hadal oo aad dhahdo ayaa wax walba oo noloshaada ku saabsan badali karo, hadal yar oo ay gabadhaasi si kaftan u tiri ayaana nolosheedii oo dhammeyd badalay.