09/07/2026
Xarunta Dadka Baahiyaha Gaarka ah ee Gaalkacyo waxay ahayd hoy xudun u ah badbaadada iyo korriinka qayb muhiim ah oo bulshadeeda ka mid ah.
Xaruntu waxay bixin jirtay daryeel, waxbarasho, xirfado, wacyigelin iyo u doodid muuqata oo ku aadan xuquuqda naafada balse maanta waxay wajahayso Dayac daran.
Xarunta waxaa ka diiwaangashan 1,474 qof oo isugu jira kuwo qaba baahiyaha dhinacyada araga, maqalka, curyaanimada jireed iyo dhimirka.
Fadlan ka qayb qaado u qareemida iyo garab istaaga xaruntan, si loo dayactiro loona qalabeeyo waxaa loo baahan yahay taageero dhaqaale oo dhan $30,000.