04/30/2026
Kooxda Awlasiid Oo Kamid Ah Kooxaha Ka Dhisan Degmada Baraawe Ayaa Wacdaro Ka Dhigtay Heererka Kala Duwan Ee Ciyaaraha Degmada
Iyadoona Ku Guuleysatay Koobabka Laga Dhigo Degmada Baraawe Waxayna Ku Ciyaareysay Ciyaaryahano Da'ayar Ah Kuwaas Oo Kooxaha Ka Soo Horjeeday Ay U Arkeen Kuwa Aan Waxba Lagu Keeni Karin
Balse Gudaha Garoonka Marka La Galay Ku Noqotay Wax Aysan Ka Filaynin Ciyaartooyda Da'ada Yar Ee Kooxda Awlasiid Taas Oo Keentay In Ay Cabsi Ku Beeraan Kooxaha Kale Ee Ka Soo Horjeeday Ayna Dhiiga Dhegta U Dareen
Waxaana Hogaaminayey Tababre Da'ayar Ah Oo Lagu Magacaabo Abdul Hameed Abdulkadir Sayid Kaas Oo Si Wacan U Carbiyeeyey Ciyaartooydan Da'ayarta Ah Ilaa Uu Kula Guuleystay Koobabka Laga Dhigo Degmada Baraawe
Weli Waxa Ay Dadaal Ugu Jiraan Sidii Ay Guulo Kale U Gaari Lahaayeen Tartamada Laga Dhigo Degmada
Awlasiid fc