03/08/2026
Guddoomiyaha Somali Voice Organization, Eng. Hashim Abdullahi Abdi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda qalin-jabinta ardayda Soomaaliyeed ee Istanbul, isagoo la wadaagay farxadda ardayda iyo qoysaskooda. Waxa uu hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jabisay, isagoo ku boorriyay inay aqoontooda uga faa'iideeyaan bulshadooda iyo dalkooda, una rajeeyay mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn. Sidoo kale, wuxuu bogaadiyey Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Istanbul doorkii wanaagsan ee ay ka qaateen qabanqaabada munaasabadda.