16/12/2025
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Koofi, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo. Wafdigaasi waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Oogle, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jubbaland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Ibraahim Oogle, ayaa sheegay in shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu si rasmi ah u furmi doono berri oo ku beegan 17-ka bisha, islamarkaana uu socon doono ilaa 20-ka bisha. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Jubbaland ay diyaar u tahay martigelinta shirka, isla markaana ay sugayso amniga iyo habsami u socodka ka-qaybgalka dhammaan wafdiyada.
Shirka Kismaayo ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa diiradda lagu saari doonaa dhammeystirka qaab-dhismeedka golaha iyo ka doodista xaaladda kala guurka ah ee dalka. Dhanka kale, xubno ka tirsanaa golahaas oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa dhawaan ku biiray xisbi cusub oo lagaga dhawaaqay dalka Turkiga