23/06/2025
Waxaa galabta soo afmeernay wareegi koowaad ee koobka kahortaga Tahriibka oo aan furnay horaantii isbucan waxa noo qabsoomay kulamo xasaasi ah oo xamaasadooda lahaa waxayna dhamaantood kusoo wada idlaadeen sidii ugu qurux badnayd,
Waxaanu ka wasaarad ahaan u mahadcelinaynaa dhamaan kooxihii iyo Taagerayaashooda sida wacan ay u ilaalinayaan anshaxa iyo habsami usocodka tartanka waxaana rajeenaynaa inay wax walba sidaas inoogu socdaan insha allah.
Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxay markale ka dhabeenaysaa halku dhigeedii ahaa
(Dhalinyaradu Waa Mulkiilayaasha Deegaankeena) waxaanu idiin qaban doonaa tartamo joogta ah waxaanuna tayayn doonaa dhamaan kooxaha heerarka kala duwan ee kadhisan Caasimada Laascanod,
Anigoo ah Madaxa Xafiiska Isuduwaha Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha G/Sool El Capitano Siciid Gurey waxaan idinku wargelinaya inuu koobkan koobka xiga noqon doono Koobka Degmooyinka kala duwan Ee Caasimada Laascaanood.
Waxaa iga go'an inta joogo ee maamulayo xafiiska wasaarada dhalinyarada iyo ciyaraha G/Sool shaqo adag iyo Tartamo joogta ah...................................
Alla mahadleh๐