05/07/2024
Kooxda Xaaboole fc, heerkeeda serie (D) da ayaa taaiikhdu markii ay ahayd 4/7/2024 kulan Kubbadda cagta ah kula ciyaartay garoonka Mire Awaare, kooxda dhiggeeda ah ee Warshadaha fc(Qaxootiland).
Kulanka ayaa ku bilowday si qurux badan, isaga oo na kusoo dhammaaday si wanaagsan oo ay xushmadi ku jirto, iyada oo ay garoonka kasoo qeyb galeen taageerayaal faro badan.
Ma’aha markii koowaad iyo markii labaad iyo markii saddexaad ba,ee ay kulan sidaan oo kale ah ay wada ciyaaraan kooxaha Xaaboole FC iyo Warshadaha FC, aynna isku muujiyaan xushmad, mana noqon doonto markii ugu dambeysay.
Labada kooxood ayaa ah laba kooxood oo aad iskugu dhow, sidoo kalena waxay leeyihiin xiriir qoto-dheer oo soo jireen ah.
Xaaboole Academy C