TUSMO MEDIA

TUSMO MEDIA Pagekan wuxuu xoogaa sarayaa wax kasta oo ku cusub adduunka hadii ay ahaan lahayd macluumaadka iyo

صفحة مهتمة بكل جديد في عالم المعلومات والثقافة
نقدم المعلومة الهادفة في مختلف المجالات التقنية والطبية والعلمية
والادبية نسعى لنكون الصفحة الاولى

Joojinta cabista sigaarku waa mid ka mid ah go'aannada ugu wanaagsan uguna qadhaadh ee uu qofku ku badbaadin karo caafim...
17/10/2025

Joojinta cabista sigaarku waa mid ka mid ah go'aannada ugu wanaagsan uguna qadhaadh ee uu qofku ku badbaadin karo caafimaadkiisa. Marka uu ruuxu joojiyo qiijinta sigaarka, waxaa jira kabasho iyo faa'iidooyin badan oo isla markiiba u bilaabma. Waa kuwan isbeddellada kabasho ee uu jidhka bani'aadamku maro marka uu ka soo kabanayo nicotine-ta iyo sumaha kale ee khatarta ah ee ku jirta sigaarka:

a) 20 Daqiiqo ka dib, garaaca wadnuhu waxa uu ku soo noqdaa heerkiisii caadiga ahaa.

b) 12-24 Saac ka dib, Kaarboon monaksaydhka (Carbon monoxide), oo ah sun khatarra kuna jirta sigaarka, waxay ka baxdaa dhiigga, taasoo ka dhigan in ogsijiintu noqoto mid xasillan. Khatartii uu qofku wadna xannuunka ugu jirayna aad bay hoos ugu dhacdaa.

c) 2 Toddobaad ilaa 3 Bilood, Shaqada sambabbada ayaa noqota mid hagaagsan, taasoo fududaysa neefsashada. Wareegga dhiigguna wuxuu noqdaa mid aad u xasilloon.

d) 1 ilaa 12 Bilood, Qufaca iyo neefsashadii ku adkayd qofka ayaa si tartiib ah u yaraata, maadaama sambabbadu bilaabeen inay bogsadaan.

e) 5 ilaa 10 Sanno, Khatartii uu kansarrada ku dhaca afka, dhuunta, iyo doobta ugu jiray ayaa hoos ugu dhacda kala badh, marka loo eego markii horre ee uu qofku sigaarka cabi jiray.

f) 5 ilaa 15 Sano: halistii uu qofku ugu jiray xannuunada istaroogga (stroke) iyo kuwa wadnaha haleela (Coronary Heart Disease), ayaa gabi ahaanba meesha ka baxda, ila heer uu qofku ula mid noqdo qofaan waligii sigaar qiijin oo kale.

g) 15 Sanno ka dib, waxaa uu qofku gallaa soo kabasho buuxda oo dhinac walba leh, waxa uuna xannuun kasta oo markii h**e isaga halisku ku ahaa, imika uu ula mid noqdaa, sidii qof aan waligii balwaddan yeellan oo kale.

Jadwalkani wuxuu ku salaysan yahay xog laga soo ururiyey daraasado caafimaad oo ku saabsan bogsashada iyo soo kabashada jidhka ee dadka joojiyey cabista sigaarka. In kasta oo ay jiri karaan kala duwanaansho yar oo qof waliba si gaar ah u leeyahay, haddana xogtan waxay si guud u metelaysaa isbeddelka wanaagsan ee ay helaan inta badan dadka sigaarka iska daayay.

Tixraacyo:

1. American Cancer Society: www.cancer.org/cancer/risk-prevention/tobacco/guide-quitting-smoking/benefits-of-quitting-smoking-over-time.html?utm_source=chatgpt.com
2. Medical News Today: www.medicalnewstoday.com/articles/317956?utm_source=chatgpt.com
3. CDC: www.cdc.gov/tobacco/about/benefits-of-quitting.html?utm_source=chatgpt.com
4. Truth Initiative: truthinitiative.org/research-resources/quitting-smoking-vaping/breath-fresh-air-immediate-benefits-quitting-smoking-or?utm_source=chatgpt.com

Nin Xikmad-yahana ayaa la weydiiyay : “Saaxiibka ugu fiican ee noloshu yaa weeye?”Xikmad-yahankii wuxuu ku jawaabay: “Na...
03/09/2025

Nin Xikmad-yahana ayaa la weydiiyay :
“Saaxiibka ugu fiican ee noloshu yaa weeye?”

Xikmad-yahankii wuxuu ku jawaabay: “Naftaada. Haddii aad la saaxiibto, marna kalinimo ma dareemaysid, marna cid kale ma sugaysid inay ku qanciso. Naftaada hadday kuu noqoto saaxiib, waxaad baranaysaa inaad naftaada u naxariisato, cafiso, dhiirrigelisona .”✨💯

03/09/2025

Haddii aad leedahay dhaqamadan waxa aad ku suntan tahay ilbaxnimo! 🧏

1. Salaanta iyo Wanaagga Hadalka

Qofka ilbaxa ah wuxuu billaabaa salaanta, hadalkiisuna waa daggan yahay, akhlaaq badan oo aan aflagaado iyo cay toona ku jirin. Wuxuu adeegsadaa erayo sida "fadlan", "mahadsanid", "waad ku mahadsan tahay".

2. Ixtiraamka Dadka Kale

Wuxuu tixgeliyaa dadka da'da leh, waalidka, macallimiinta, iyo dadka baahida gaarka ah qaba. Wuxuu fahamsan yahay in qof kasta uu mudan yahay in si wanaagsan loola dhaqmo, xitaa hadduu ka duwan yahay.

3. Dhaqan Nadiif ah iyo Nadaafad Shakhsiyeed

Qofka ilbaxa ah wuu nadiif yahay; dharkiisa, jirkiisa, iyo deegaanka uu joogo wuu nadiifiyaa. Tani waa astaan weyn oo dadku ku qiimeeyaan qofka.

4. Waqtiga oo la ixtiraamo

Wuxuu tixgeliyaa waqtiga-wuu ilaaliyaa ballamaha, kuma daaho kulamada, wuxuuna ku dadaalaa in shaqadiisa waqtigeeda ku qabto. Tani waxay muujisaa kalsooni iyo mas'uuliyad.

5. Dulqaad iyo Is-maqal

Qofka ilbaxa ah ma aha mid xanaaq fudud leh; wuu dhageystaa dadka kale, wuxuuna ka fakaraa inta uusan hadlin. Ma jecla inuu muran degdeg ah galo.

6. Daryeelka Bulshada iyo Deegaanka

Wuxuu ka qaybqaataa arrimaha bulshada, sida nadiifinta deegaanka, caawinta dadka baahan, iyo ilaalinta hantida guud (sida biyaha, dhirta, iyo laamiyada). 👌

7. Xushmada Diinta iyo Dhaqanka

Wuxuu ilaaliyaa dhaqanka wanaagsan ee ummaddiisa iyo xeerarka diinta. Mana aflagaadeeyo qiyamka dadka kale, 💯

Fadlan haddii aad dhamaysatay qoraalka ilbaxnimada waxaa kamida in aad qof wax kuu faaideyay umahad celiso ha iloobin wll... ❤️👍

DHIIRRIGELINTAAN KOOBAN KU DHEEFSO1: "Waxkasta oo tayo buuxdo leh, xayeysiis uma baahna ee waxa ay u baahan yihiin xurma...
09/12/2024

DHIIRRIGELINTAAN KOOBAN KU DHEEFSO

1: "Waxkasta oo tayo buuxdo leh, xayeysiis uma baahna ee waxa ay u baahan yihiin xurmayn iyo xasilin joogto ah." 🙂

2: " Si aad u yeelato magac iyo maqaam/derejo ha u baabi'in hadaf iyo han walaalkaa ka guuxaya." 😏

3: " Nolosha uma baahna tartan oo kaliya, markasta waa muhiim ah in aad ogolaato awoodda iyo guulaha dadka kale." 🧏

4: "Jacaylku waa dareenka ugu saamaynta badan nolosha, ha iska dayicin qof ku doortay oo kuu il daran." 😍

5: " Muuqaalka iyo labiska ma qeexaan quruxda dhabta ah, kaliya waxa ay muujiyaan ilqabadka qofka iyo hab muuqashadiisa." 🙃

6: "Aqoonkasta oo aad baratay macno ma lahan, haddii aysan kuu horseedin edeb iyo asluub hagaagsan." 🤞

7: "Ha ula dhaqmin dadka sida ay kuula dhaqmaan ama ay kaaga falceliyaan, adiga oo awooda in aad raacdo taladii iyo sunnada suubban nabigeenna Muxamed NNKH." 🥰

8: " Jacaylkasta guushiisa waa labo; 1: xasuus joogto ah iyo xiiso aan gurin. 🥲

9: " U dul qaado daruufta, xaaladkasta iyo xilli kastaba kugu xeeran." ⚡️

10: " Sharafkaagu waa shayga ugu muhiimsan ee kaaga baahan ilaalinta, xitaa haddii aad naftaada ku waynayso." ✅

11: "Sida qalbi walba xaq ugu lee yahay in la ilaaliyo, ayuu kaaguna u mudan yahay in la daryeelo loona diirnaxo." 😊

12: "Haku danaysan qofna, si aadan ugu dulloobin berri." 👍

13: "Ogoloow in aad bixiso ka badan waxaad hesho." ❤️

14: "Haka raadin qofna dabeecadahaaga maxaa yeelay ma jiro dunida cid kaala siman wax walba." 💁‍♂

15: "In aad ruux ilowdaa waxaa kaa xiga, in aad ruux kale xasuustiisa gashp, waa haddii aad aaminto." 🤝

16: " Ha dhagaysan dhaliisha ku dhaawacaysa, hana ka tagin dhaliisha ku toosinaysa." 🔥

17: "Aamin shaqsiyaddaada oo baro naftaada tayadeeda." 😌

19: " U noolow si aan sharuud ku xirnayn, balse u shaqayso shuruudaha guushaada iyo wax soo saarka shaqsiyaddaada." 👌

20: "Agtaada halagu nasto, intii laga nasan lahaa." 💯

17/01/2024

Ibliis markii uu diidayay in uu Aadan u sujuudo, Shaydaan halkaas ma aanu joogin eh, yaa u sheekeeyay (waswaasiyay)?

Waa su’aal cid kasta ku wajahan, waana su’aal qararteeda leh.

Shaydaanku markii uu Alle ku caasinayay, yaa Shaydaan u ahaa?

Sadarrada soo socda aqri, si aad jawaabta su’aalahaas u heshid.

Waa kuma Shaydaankeenna dhabta ahi?

Erayga “Naf” waa eray aad u qatar badan, Aayado badan oo Qur’aanka kariimka ah ku jira ayaana lagu sheegay.

Alle waxa uu suuradda “Qaaf” ku leeyahay:
{ وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِ نَفْسُهُ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ }
[Aadanahana waannu abuurnay, waanan ognahay waxa ay naftiisu ugu sheekaynayso, annaga oo halbolaha dhiigga uga dhow].

Annagu Alle waannu rumaysan nahay, waan xusnaa, waan tukannaa, Qur’aanka waan aqrinnaa, saddaqada waan la baxnaa, sidaas oo ay tahay dembiyo ayaannu galnaa. Sababtu waa maxay?

Sababtu waa in aannu cadawgii dhabta ahaa ka jeesannay oo aannu cadaw ka taag daran u jeesannay.

Alle waxa uu leeyahay:
{ إِنَّ كَيْدَ الشَّيْطَانِ كَانَ ضَعِيفًا }
[Shaydaanka dhagartiisu waa mid taag daran].

Cadawga dhabta ahi waa “Nafta”. Haah! Naftu waa sida bam saacadi ay ku xiran tahay. Bamkaas Aadanaha gudihiisa ku beeran Alle waxa uu suuradda Al-Israa’ ku yiri:
{ اقْرَأْ كِتَابَكَ كَفَىٰ بِنَفْسِكَ الْيَوْمَ عَلَيْكَ حَسِيبًا }
[Kitaabkaaga aqriso, maanta la xisaabtan naftaada ayaa kuugu filan eh].

Waxa kaloo uu suuradda Ghaafir ku yiri:
{ الْيَوْمَ تُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ لَا ظُلْمَ الْيَوْمَ إِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ }
[Maanta naf walbaa wixii ay shaqaysatay baa laga abaal marinayaa, maanta dulmi ma jiro, Allena waa kii ay xisaabtiisu soo degdegto].

Waxa kaloo uu suuradda Al-Muddathir ku yiri:
كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ }
[Naf walbaa wixii ay shaqaysatay bay u rahman tahay (maxbuusad u tahay)].

Sidoo kale suuradda Al-Naazicaad waxa uu ku leeyahay:
{ وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ }
[Qofkiise la kulanka Rabbigiis ka baqa oo naftu waxa ay jeceshahay u diida].

Suuradda Al-Takwiir waxa uu Eebbaha hufani ku leeyahay:
{ عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا أَحْضَرَتْ }
[Naf waliba way ogtahay waxa ay lasoo shir tagtay].

U fiirso dhammaan Aayadihii aannu soo aragnay inay ku dul wareegayeen hal eray, kaas oo ah “Naf”.

Haddaba, waa maxay naftu?

Culumadu waxay leeyihiin ilaahyadii Alle ka soke la caabbudi jiray, sida; Laata, Cuza, Manaat, Suwaac, Wud, Yaghuuth, Yacuuq, Nasri, iwm., dhammaan ilaahyadaas waa la burburriyay, marka laga reebo hal Ilaah oo dad samee ah, kaas oo weli Alle ka soke la caabbudo.

Alle hufnaa oo sarree eh, waxa uu leeyahay:
{أَفَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَٰهَهُ هَوَاهُ }
[Ka warran qofka rabitaankiisa Ilaahiisa ka dhigtay].

Aayadda micneheedu waxa weeye qofku rabitaanka naftiisa haddii uu u hoggaansamo, sharci iyo diin midna ilaalin maayo. Sidaas darteed, waxa aad arkaysaa in wixii uu doono uu samaynayo.

Jariimadii uu Qaabiil walaalkiis Haabiil ku dilay, Alle waxa uu ka yiri:
{ فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ }
[Naftiisa ayaa markaas ku riixday in uu walaalkiis dilo].

Qof dembi inta uu galay, ka shallaayay oo tawba keenay, marka aad weydiisid: “Maxaa waxaas in aad samaysid kuugu wacnaa?” Waxa uu kuugu jawaabayaa: “Shaydaan baa i siray”.

Hadalkiisaas micnihiisu waxa uu noqonayaa in fal kasta oo xaaraan ah uu Shaydaan ka dambeeyo, hase yeeshee warkaasi sax ma wada aha.

Dembiyada la galo iyo macsida waxa sabab u ah Shaydaan ama “Naf” oo iyadu ah mid xumaha u nugul. Shaydaanku waa qatar, waxase wax badan ka qatarsan nafta.

Sidaas darteed, Shaydaanku waxa uu Aadanaha kasoo galaa daaqadda illowshaha, isaga oo ku illowsiinaya abaalmarinta iyo ciqaabta. Taas oo jirta ayaad misana si kale xaaraanta ugu dhacaysaa. Rabitaanka naftaada ayaad u hoggaansamaysaa. Ilaah kugu dhex qarsoon baad caabbudaysaa.

Eebbe waxa uu Qur’aankiisa ku yiri:
{ وَمَا أُبَرِّئُ نَفْسِي إِنَّ النَّفْسَ لَأَمَّارَةٌ بِالسُّو }
[Naftayda beri yeeli maayo, maxaa yeelay naftu waa mid xumaha u nugul].

Haddii aad aqrinra dhammaysay, fadlan Nabiga “Nabadgelyo iyo naxariis Alle ha ku dhacdo” ku salli 💚💚💐

Sabriye Musse

Nolashu waa fursad aynaan garaneyn illaa aynu weyno, Caafimaadkuna waa taaj madaxa u saaran dadka caafimaadka qaba      ...
20/09/2023

Nolashu waa fursad aynaan garaneyn illaa aynu weyno, Caafimaadkuna waa taaj madaxa u saaran dadka caafimaadka qaba oo ay arkayaan kuwa xanuunsanayaa oo kaliya. Nolashu way ku danqasaa qaadaysaa ka dibna cashar ayay ku siinaysaa. Dadku waxay badankooda u maleeyaan in ay nolashooda waayeen marka ay waayaan qofkii aadka ugu dheeraa, balse marka aad nolashaada waayaydo waa marka aad nafsaddaada dayacdo.

10/03/2023

قال رسول الله ﷺ : إن أولى الناس بشفاعتي يوم القيامة؛ أكثرهم عليَّ صلاةً

اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّم وبَارك عَلَى نَبِيِّنَا םُבَםّב ﷺ

Doqonka isaga oo is leh waxtar ayuu waxyeello kuu geysanayaa. Dhibaatada lama joojin karo ilaa aad dhaadhaanka dhabarka ...
12/02/2023

Doqonka isaga oo is leh waxtar ayuu waxyeello kuu geysanayaa. Dhibaatada lama joojin karo ilaa aad dhaadhaanka dhabarka u jeediso.

28/01/2023

Aabahood wuu sadaqo badnaa, xilliga ay beerta u soo go’do seddex dhig midkood ayuu masaakiinta siin jiray, dardaarankaas ayuu wiilasha uga tegey, muddo markii ay dardaarankii aabahood fuliyeen, ayey ku tashadeen in ay meesha ka saaraan saamigii masaakiinta, waxa ay isku raaceen in ay xilligii beerta la goyn jiray ka soo hormaraan oo inta uusan waagu baryin lagu kala baxo, sidaasna masaakiintii uga gooyaan.

Toodii way noqon waysay, waxay soo kor istaageen beertii oo bas beeshay, way u qaadan waayeen, waxay damceen in ay waaqaca is diidsiiyaan, waxay isku sheegeen in ay wadadii ka soo lumeen.

‎ قَالُوا إِنَّا لَضَالُّونَ

Lumitaankan ma aha kii hanuunka ee waxay ka wadaan in ay wadadii beertii ka soo habaabeen.

Markii meel ay ka aadan waayeen waaqicii, wado laga soo lumayna aysan jirin ayey damceen in ay cid kale dusha u saaraan oo waxay hadana dhaheen waxaan waa na loo diidan yahay.

‎بَلْ نَحْنُ مَحْرُومُونَ

Koodii ugu caaqilsanaa, horayna ay uga soo talo diideen ayaa yiri “sow horay idinkuma sheegin in aad Ilaaheey ka yaabtaan?” markaas ayey is garteen oo ay dhaheen?

‎قَالُوا سُبْحَانَ رَبِّنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ

“Ilaahayow adigaan kuu towba keenay oo aan kuu tasbiixsanaynaa, Waxaan ahayn kuwa naftooda dulmiyey”

Tusaalooyinka suurada ku jira waxaa ka mid ah

In ruuxii ama ummadii aan is dhaliilin (self criticism) oo aan khalad ka iska qabanin, waaqacana runta isaga sheegin, waxay yeeshaan dhaqan iyo caada lagu dulloobo oo dulmiga la isugu fiirsado. Waxay ku danbeeyaan in ay waaqaca is diidsiiyaan, eedana markasta duul kale dusha ka saaraan.

Waxaa la mid ah warka aan isku sheegno ee ah Inta sawirro qurqurxoon la soo dhigo meelaha la yiraa Soomaaliya way socotay, subaxa danbana 100 ruux hal goob lagu dilo, markaana aan dhahno dawladnimada duul kale ayaa naga hortaagan oo aan maciin badno aragtida dhagar- maleega.

Waanada kale ee suuradda ku jirta waxaa ka mid ah in haddii qolo isku dayaan in ay waaqaca ka fasax qaataan ayna dhalanteedka dhab moodaan in ay u baahan yihiin qolo waxgarata oo iyaga ka mid ah oo yiraahda war sidan sax maaha!

Waa laga yaabaa in dadkaas h**ey laga maqal oo huuhaada, dhalanteedka iyo dhab is diidsiinta ay muddo shaqayso, laakiin waxaa lagama maarmaan ah in dhabta loo soo noqonayo ee Soomaaliyey waaqac ka fasax qaadashadii way nagu dheeraatay ee aan waaqaca u soo laabanno oo aan dhabta iyo runta wajahno.

Address

Mogadishu

Telephone

+252616722983

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when TUSMO MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to TUSMO MEDIA:

Shortcuts

Share

Category