20/04/2025
Magaciisa oo dhameystiran waa Anas Xasaan Khaddaab (Abuu Axmed Xaduud). Dhawaan ayaa loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka suuriya. Sannadkii 1987-dii ayuu ku dhashtay degmada Jiiruud ee gobolka Riifu Dimishiq. Waxbarashada dugsiga dhexe iyo sarre ayuu ku qaatay degmada uu kasoo jeedo ee Jiiruud.
Kulliyadda Injineerinka ee jaamacadda Dimishiq ayuu muddo yar dhigtay. Isagoo dhameysan jaamacadda ayuu u safray ciraaq, si uu xilligaas qeyb uga noqdo la dagaallanka ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka ciraaq. Sida loo badinayo Abuu Axmed Xaduud ayaa dalka ciraaq u safray sannadkii 2008-dii.
Mucaskar ciidan oo Al-Anbaar ku yaallay ayaa xilligaas lagu tababaray. Markuu tababarka dhameystay ayaa laga diiwaan galshay qeybta is qarxinta. Inuu is qarxiyo ayaa lagu qoray oo uu fuliyo howlgal is qarxin ahaa. Awooda ugu weyn ee kooxda DI ku tiirsaneyd waqtigaas ayaa aheyd inay fuliyaan howlgalada is qarxinta ah.
Dood ayaa ka taagan inuu diiday is qarxinta iyo in kooxdu ka saartay waqtigaas liiska kuwa ku qoran is qarxinta. Keddib markuu fulin waayay is qarxintii uu ku qornaa ayee kooxdu go'aansatay in isaga lagu celsho suuriya. Waqtii ay qabaa'ilka sunniga (Saxawaadka la baxay) ah ee dagan ciraaq ay dagaal adag kula jireen kooxda DI ayuu Abuu Axmed Xaduud kusoo biiray safka kooxda dad qalatada ah ee Daacish.
Billaawgii sannadkii 2010, kooxda DI ayaa go'aansatay in Abuu Axmed Xaduud lagu celiyo dalka suuriya oo uu ku laabto meeshuu ka yimid. Qofkii ka laabta fulinta is qarxinta uu ku qoran yahay, waxaa caan aheyd inay kooxdu dib ugu celin jirtay dalka suuriya oo marin muhiim ah u aheyd dadka kusoo biiraya kooxda. Abuu Axmed Xaduud ayaa isagoo ku laaban raba wadankiisa ayuu ku yara hagaday Madaafa ay kooxdu ku laheyd meel u dhow mandiqadda Yacrabiya ee u dhow xuduuda ay wadaagaan suuriya iyo ciraaq.
Maalmo kaddib markuu Anas Xaduud yimid madaafada ayaa waxaa kamiin ay ciidanka ciraaq dhigeen lagu dilay amiirkii madaafada uu Xaduud ku sugnaa. Kamiinka ay ciid