Taageerayaasha Manchester United

Taageerayaasha Manchester United Ku soo dhawoow page-ka kuhel warbixinta man United oo tarjuman sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kim Min-jae wuu ka tagay Naples mana soo laaban doono. Hadda waxa uu ku wajahan yahay Kuuriyada Koonfureed halkaas oo uu...
06/06/2023

Kim Min-jae wuu ka tagay Naples mana soo laaban doono. Hadda waxa uu ku wajahan yahay Kuuriyada Koonfureed halkaas oo uu ku soo qaadan doono tababar ciidan,kadibna waxa uu u safri doonaa Manchester si uu ugu biiro United.

[Il Mattino]

Amiin

Kim Min-jae ayaa la filayaa inuu maanta macsalaameeyo taageerayaasha Napoli. Kooxdu waxa ay doonaysay in ay sii haysato ...
04/06/2023

Kim Min-jae ayaa la filayaa inuu maanta macsalaameeyo taageerayaasha Napoli. Kooxdu waxa ay doonaysay in ay sii haysato balse kuma ekaan karto xidhmada ay bixisay Manchester United!

Man United waxay h**ey ula yeelatay laba kulan wakiilada Kim Min-jae waxayna umuujisey xiiso xoogan ee ay uqabto

Kim Min-jae mushaharka uu ka aaadan doono Man United wuxuu noqon doonaa €6m ilaa €7m oo lagu daray waxyaabo dheeraad ah

Sidoo kale Kulamo cusub ayay Man United uballansan tahay iney la yeelato xidigan indhaha yar

Qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Kim Min-jae ee kooxdiisa Napoli waa €45m wuxuuna shaqayn doonaa oo kaliya qodobka laga bilaabo 1-da July 1 ilaa 15-ka July

Amiin

Sawiro cusub  23/24 maaliyada 1-aad ee away ah.📸 xigasho: IG/jerseyreview
04/06/2023

Sawiro cusub 23/24 maaliyada 1-aad ee away ah.

📸 xigasho: IG/jerseyreview

FT: Manchester United 1-2 Manchester CityCity ayaa koobka FA Cup-ka qaaday , Goolhaye Degea ayaa ahaa midka ciyaarta ugu...
03/06/2023

FT: Manchester United 1-2 Manchester City

City ayaa koobka FA Cup-ka qaaday , Goolhaye Degea ayaa ahaa midka ciyaarta ugu xun asaga oo laga dhaliyay labo gaol aad u foolxun aan laga dhelin goolhaye weyn ee professional ah, xitaa kubada ayuu bugeynayaya 90-ka daqiiqo asaga oo usahlay kooxda city kubada inee kuhesho si fudud.

Aragtidaada ciyaarta?

-Cubeyd yare

HT: Manchester United 1-1 Manchester CityKooxda ayaa ciyaartay haaf dheelitiran lkn majiro wax khatar afkà h**e ah ilaa ...
03/06/2023

HT: Manchester United 1-1 Manchester City

Kooxda ayaa ciyaartay haaf dheelitiran lkn majiro wax khatar afkà h**e ah ilaa haatan.

B.Fernandes ['33]

Aragtidaada?

-Cubeyd yare

Shaxda Rasmiga ah ee Finalka FA Cup-ka Manchester United vs Manchester City.Aragtidaada?-Cubeyd yare
03/06/2023

Shaxda Rasmiga ah ee Finalka FA Cup-ka Manchester United vs Manchester City.

Aragtidaada?

-Cubeyd yare

📸 - Ciyaartoyda soo Gaartay Garoonka Wembley iyago suit kulabisanAmiin
03/06/2023

📸 - Ciyaartoyda soo Gaartay Garoonka Wembley iyago suit kulabisan

Amiin

KULANKA MAANTA!!TARTANKA FINAL-KA FA CUP-KAManchester United vs Manchester City Garoonka: Wembley Wakhtiga: 5:00-Pm, xil...
03/06/2023

KULANKA MAANTA!!

TARTANKA FINAL-KA FA CUP-KA

Manchester United vs Manchester City
Garoonka: Wembley
Wakhtiga: 5:00-Pm, xilliga geeska Afrika
Taariikhda: Sabti, 03-June-23
Garsoore: Paul Tierney.

● Tani waxey noqon doontaa markii ugu h**eysay abid ee tartan weyn final wada ciyaaraan Manchester United iyo City.

● Manchester United ayaa guuleystay shan kamid ah lixdii FA Cup ee City la' ciyaartay markii ugu dambeesay ee isku arkaan tartankaan Manchester ayaa 3-2 ayadoo marti ah kusoo duugtay City. Guushii u dambeesay ee City ka gaarto Manchester FA waxey aheyd kulan semi-final ah xili ciyaareedkii 2010-11.

● Markii sedexdaad ayee Wembley kuwada kulmi doonaan kooxaha ood-wadaaga ah, kooxda wadaniyiinta lagu naaneyso ayaa badisay semi-final FA cup, halka kooxda Manchester ee 3-2 Community Shield ku adkaatay.

● Manchester United ayaa markii 21-aad ciyaari doonto final-ka FA cup-ka, waane kooxda ugu badan ee ciyaartay, waxaa la wadaagto (Arsenal 21-jeer), ayadoo 12-jeer kamid ah qaday, halka 8-jeer lumisay. City ayaa markii 12-naad ciyaari doonto final-ka FA cup-ka, 6-jeer ayee qaaday halka 5-jeer laga qaaday.

● Manchester ayaa h**e league cup/Carabao cup kaga qaaday Newcastle xili ciyaareedkaan, United ayaa baadi-goob ugu jirto iney kuwada guuleysato labada tartan waaweyn ee maxaliga ah xili ciyaareed markii ugu h**eysay. Waxey noqon doontaa kooxdii shanaad ee sidaas sameyso.

● Marcus Rashford iyo Casemiro ayaa Manchester u dhaliyay labadii gool ee Carabao kaga qaaday Newcastle. H**e shan ciyaartooy Manchester ka tirsan ayaa labada tartan ee maxaliga ah goolal uga wada dhaliyay – Norman Whiteside, Mark Hughes, Brian McClair, Cristiano Ronaldo and Jesse Lingard.

● Erik teng ayaa noqon kara Macallinkii afaraad ee Dutch ah ee hogaamintiisii koobaad kooxdiisa kula guuleysta FA cup final, kadib Ruud Gullit (W1 L1), Guus Hiddink (W1) and Louis van Gaal (W1).

Shaxda la filaayo ee Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Varane, Lindelof, Shaw; Casemiro, Fred; Sancho, Fernandes, Garnacho; Rashford.

W/Q: -Cubeyd yare

📸 Alejandro Garnacho👀 subax wanaagsan . ❤🔥-Alkhaliiji
03/06/2023

📸 Alejandro Garnacho👀

subax wanaagsan . ❤🔥

-Alkhaliiji

🎙️|  Bruno Fernandes oo ka hadlaya rikoodhkiisa dhaawac la'aanta ah: “Haddii kooxdu ay kuu baahato, waxaad ku dadaalaysa...
02/06/2023

🎙️| Bruno Fernandes oo ka hadlaya rikoodhkiisa dhaawac la'aanta ah: “Haddii kooxdu ay kuu baahato, waxaad ku dadaalaysaa inaad halkaas joogto, mararka qaarkood suurtogal maaha. Ciyaartii Tottenham iyo kulamadii xigay, waxay ahayd xooga mid xanuun badan, laakiin waxaan awooday inaan xanuunka u adkeysto oo aan isku dayo inaan sii ciyaaro kulamdaas.

My Captain.💪❤️

-Alkhaliiji

Kulanka Finalka  FA Cup-ka Manchester United ayaa xiran doonta funaanada casaanka ah iyo buumadaa madow Sidoo kale shara...
02/06/2023

Kulanka Finalka FA Cup-ka Manchester United ayaa xiran doonta funaanada casaanka ah iyo buumadaa madow Sidoo kale sharabaadada madowga ah sida kooxda marka ay tahay martida oo kale iyada oo laga fogaanaaayo inay isku dhacaan kooxda Manchester City oo dooqeeda koowaad yahay midabka buluuga iyo caddaanka ah.

Xigasho:[]

-Alkhaliiji

Macalin Erik Ten Hag ayaa sheegay inay u badantahay Antony santos in uusan diyaar u ahayn  kulanka finalka  FA Cup-ka ee...
02/06/2023

Macalin Erik Ten Hag ayaa sheegay inay u badantahay Antony santos in uusan diyaar u ahayn kulanka finalka FA Cup-ka ee berrito. 💔

-Alkhaliiji

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taageerayaasha Manchester United posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Taageerayaasha Manchester United:

Share

Category