09/09/2022
Maadaama aan heli kari weyney baahida naga heesata inaan helno wararka Arsenal ee ugu dambeeyey waxaan samaysaney bogg (page) aan soo galino wararka kooxda si baahideena aan u daboolanno.
Sidaas awgeed waxaan isku dayney in aan asxbta la wadaagno inta Arsenal taageerto oo u baahan faahfaahinno dheeraad eh oo ku saabsan kooxda, waxaan isku dayney in aan groupska Arsenal FC Somali Fans aan ku share gareenno boggan si aan asxaab fara badan aan u helno laakiin waa nagala diidey.
Marka mushkiladba uma aragno midaas laakiin waxaa nagu qasab ah in aan eber kasoo bilowno sababto ah ma helno warar nagu filan oo tafatiran sida taageerayaaasha Soomaaliteed ee kooxaha kale taageera ay helaan.
Fadlan hadii aad naga caawin karto in uu kor u kaco boggaan waxa aad inoo saartaa like, follow waxaad share gareysaa waxyaabaha aan soo dhigno hadii ay ku qanciyaan.
Waxaa meesha tan isugu yimid 4 shaqsi oo wariyayaal ah oo aad u garanaya meelaha wararka kooxda laga helo, kooxdane in badan soo taageerayey hadii aan ku qancino nala joog, hadii aan ku qancin waynane anaga ayaa ka masuul eh oo tabarteena ayaa meeshaas na dhigtey.
Pageka likes badan malahan laakiin macluumaad badan oo aad ka faaiidaan baan soo galinn doonaa nala joog ilaa aad naga barato.