29/05/2016
Salaan Kadib
Waxaa Nala soo xariiray Asxaab fara badan oo danaynaysa Koorsada Project Management oo dhawaan aynu qaban doono.
Hadaba Waxaan rabaa Inaa Dhowr Suaalood Ka Jawaabo si intiina danaynaysaa aad u ogaataan.
1- Waa maxay Koorsadan Project Management ah?
Waa Maamulida Mashruucyada oo isugu jira kuwa Local ama International ah. Hadaba suaalle Maamulida Mashruuca kuma koobna qolo ama qof qaas ah, waxaa Maamulid kaaga baahan qayb kaste ee Noloshaada la xariirta ee u baahan In natiijo laga gaaro waqti xadidan.
2- Goormee la qabanayaa ?
Waxaa la qabanayaa 13-ka Bisha Ramadaan ilaa 24-ka bisha Ramadaan. Mahadsanid
3- Yaa Qabanaya Koorsada?
Waxaa Qabanayaa Machadka Hope Institute for Human Development oo u taagan in Xirfadaha dhalinyarada Gudaha dalka ku nool ay kor qaado. Isla markaana marti qaadi doonta qofkastoo Cilmi iyo Waaya aragnimo aan ka faaidi karno. Mahadsanid
4- Yaa Waaye Macalinka Koorsada Bixinaya?
Macalinka Koorsada Bixinaya Waxaa la yiraahdaa Mr. Sharif Mohamud, oo qibrad ka badan 13 sano u leh Project Management. Waana double Master Degree holder oo dhowr meelood oo aduunka ka mid ah kasoo Qabtay Shaqooyin iyo Koorso la xariira Koorsada.
Mr. Shariif ayaa Sanadkii h**e ku qabtay Koorsadan mid la mid ah, Waxaana ardaydii Sanadkii h**e ka buuxsantay soo dalbadeen in markale loogu celiyo. Mahadsanid
5- Lacagtu Waa Imisa ?
Lacagtu Koorsada waa 25 Dollar. Mahadsanid
6- Shahaado ma jirtaa? Hadii ay jirtase ma Lacag Ka baxsan lacagta la iska rabaa ?
Haaaa Shahaado way jirtaa, Lacagta Shahaadadana way ku jirtaa Lacagta 25-ka dollar ee aad dhiibtay. Mahadsanid
7- Malaga yaabaa In Discount la ii sameeyo? hadaanan awoodin 25 dollar?
Waxaad la xariirtaa Numberkan 0615727704. asaga ayaa kaaga jawaabi doono. Mahadsanid
8- Maxay tahay waxyaabaha kaa faa'idi doona Koorsadaan ama Outcome of the training?
Waxaan si tifaftiran usoo post garayn doonnaa Qoraal faahfaahin wato oo la xariira Waa maxay natiijada kasoo bixi kartaa Kadib Koorsadaan.
9- Malaga yaabaa Inaad qabataan Trainings ama workshops kale oo muhiim u ah ardayda?
Haa, waana sababta aa u jirno inaan Field iyo Faculty kaste aan u keenno dad taqasus ku ah hadba waxa ay ka hadlayaan.
10- Waxaan ahay Shaqo Laawe, dhameeyay Jaamacadda, ka sokoow koorsadaan, Maxaad iga caawin kartaan?
Walaal soo dhawaaw marka h**e, Waxaan kaa caawin karnaa Waxkaste oo talo iyo Tusmayn ah oo aad u baahato, waxaan kaloo awoodnaa inan codsiyadaada u dirno hadba shaqada aad isleedahay waad qaban kartaa, oo aan kaa bixin Hadalo wanwanaagsan, kadib markii aan ogaano inaad kari karto qabashada booska aad doonaysid.
Wixii Suaalo ah waxaad inoogu soo hagajin kartaan
Emailka: [email protected]
ama 0615727704
ama barteena Facebooka ee ah https://www.facebook.com/HOPE-Institute-For-Human-Development-1649275185349463/?notif_t=page_fan¬if_id=1464515559402324
Mahadsanidiin In Badan.