Somali Boxing Association

Somali Boxing Association Somali Boxing Association has restarted their activities and they are now recruiting athletes to compete and represent Somalia.

We are working with NOC and World Boxing, The goal is to successfully L.A. 2028 Olympic Games

Waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda ciyaartii feerka ee ka dhacday degmada Ma...
31/07/2026

Waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda ciyaartii feerka ee ka dhacday degmada Marka, gaar ahaan garoonka weyn ee Midnimo Stadium, taas oo ay kasoo qeyb galeen taageerayaal aad u badan oo muujiyay jacaylka iyo horumarka ciyaaraha feerka Soomaaliya.

Ciyaartan waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo laguna kobcinayo ciyaaraha feerka dalka, waxaana si wadajir ah iska kaashaday Maamulka Degmada Marka iyo Xiriirka Feerka Soomaaliya (Somali Boxing Association), kuwaas oo dadaal weyn ku bixiyay in munaasabaddan ay ku qabsoonto si heer sare ah.

Ciyaarta ayaa dhex martay labada naadi ee ugu waaweyn degmada Marka, Naadiga Horseed iyo Naadiga Lumbaardi, waxaana ay kusoo dhammaatay guul weyn iyo farxad ay wadaageen ciyaartoyda, taageerayaasha iyo dhammaan bulshada jecel ciyaaraha.

Waxaan mahad gaar ah u diraynaa:

- Maamulka iyo masuuliyiinta degmada Marka oo garab istaagay horumarinta ciyaaraha.
- Shacabka degmada Marka oo muujiyay taageero iyo soo dhaweyn weyn.
- Bakar Macaani oo qeyb ka qaatay taageerada iyo hirgelinta munaasabaddan.
- Hoyga Agabka Sportska Somali Sports oo kaalin muhiim ah ka qaatay taageerada qalabka iyo horumarinta ciyaaraha.

Ugu dambeyn, waxaan rajeyneynaa in iskaashigan iyo dadaalladan ay sii socdaan si feerka Soomaaliya uu u gaaro heerar sare, loona helo jiil cusub oo ciyaartooy Soomaaliyeed ah oo dalka iyo calanka meel sare ka gaarsiiya.

Mahadsanidiin dhammaantiin.
Thesomali Spartan. Awil Gele. Abdulahi Ahmed Abdi. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐ŸฅŠ

Waxaan  inoo qabsoomay kulankeennii labaad ee aan la yeelanay Maamulka Degmada Marko, kaas oo diiradda lagu saaray darda...
25/07/2026

Waxaan inoo qabsoomay kulankeennii labaad ee aan la yeelanay Maamulka Degmada Marko, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta horumarinta ciyaaraha feerka iyo diyaarinta tartanka weyn ee degmada, kaas oo loogu magac daray Marka Cadey Boxing Championship. Kulankan wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada lagu horumarinayo hibada dhallinyarada, kor u qaadista isboortiga, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya maamulka degmada iyo bahda feerka. Somali boxing association Waxaan rajeynaynaa in tartankani uu noqdo madal lagu soo saaro feeryahanno tayo leh oo matala Marka Cadey iyo guud ahaan Soomaaliya.Thesomali Spartan Awil Gele

Waxaa booqasho iyo kulan wadatashi ah noogu qabsoomay degmada Marka, halkaas oo si diirran noogu soo dhaweeyeen Guddiga ...
23/07/2026

Waxaa booqasho iyo kulan wadatashi ah noogu qabsoomay degmada Marka, halkaas oo si diirran noogu soo dhaweeyeen Guddiga Ciyaaraha ee degmada marko.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray horumarinta ciyaaraha feerka iyo qorshaha furitaanka xarunta labaad ee Somali Boxing Association,

si loo ballaariyo fursadaha dhalinyarada looguna xoojiyo kobcinta feerka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa hoggaaminayay feeryahanka qaranka Soomaaliyeed isla markaana ah macallinka xulka qaranka feerka Soomaaliyeed MOHAMED AMIIN.
Wadahadalladii ayaa kuso dhammaaday isfaham, iskaashi, iyo guul, iyadoo la isla qaatay in si wadajir ah loogu shaqeeyo horumarinta ciyaaraha feerka iyo tayeynta jiilka cusub ee ciyaartoyda.๐ŸฅŠ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

22/07/2026

Somali Boxing association waa halkii aad ku gaari laheyd Kuna rumeyn laheed hamigaga ka muuqashada masraxa caalamkaThesomali Spartan๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐ŸฅŠAwil Gele

13/07/2026

Hadii aad rabto inaa kamid noqoto horyaalada beri maanta waa waqtigaaga coach Thesomali Spartan๐ŸฅŠ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Waxaa dhisnaa jiil cusub oo leh karti iyo kalsoni iyo magaca soomalia oo dunida laga maqlo ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐ŸฅŠ coach Thesomali Spartan
08/07/2026

Waxaa dhisnaa jiil cusub oo leh karti iyo kalsoni iyo magaca soomalia oo dunida laga maqlo ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐ŸฅŠ coach Thesomali Spartan

06/07/2026

Vision keenu tawabar wuu kawen yahy kaalay sare uqaad hankaga iyo kalsonidada oo rumee riyadada coachThesomali Spartan coach abuuya ๐ŸฅŠ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

01/07/2026

COACH Mohamed Mufasa IYO COACH ABUYA oo diyaar garow ku jira
Awil Gele Abdulahi Ahmed Abdi ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐ŸฅŠ

Coach Caruus Guul iyo Gobannimo h**e u soco
23/01/2026

Coach Caruus Guul iyo Gobannimo h**e u soco

Watch, follow, and discover more trending content.

Address

Shibis District
Mogadishu
DHL

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252617108299

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Boxing Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali Boxing Association:

Shortcuts

Share