21/05/2023
Xulkeena aya marki ugu h**eysa taarikhda dheeli doona 10 kulan oo ka tirsan isreebreebka koobka aduunka, madama CAF ay meesha ka saartay wareega koowaad ee isreebreebka Kaas oo aha mid play off aha, islamarkana xulkeena uu marwalba ku hari jiray wareegaas.
Isreebreebka koobka aduunka 2026 aya ku bilaawan doona group stage oo ka kooban 9 group oo min 6 dal ah groupki.
9 group
6 dal group walba.
Madama Africa ay heshay 9 xubin koobka aduunka soo socda ee 2026 oo laga dhigay 48 dal, halka marki h**e uu aha 32 dal, africana ay ku laheyd Tiro 5 dal oo kaliya.
Xulkeena aya ku group noqon doono 5 dal oo kale Kaas oo kulamo home away ah la cayaari doono dhamaan 5taas dal ee aan isku groupka noqon doono, sidaas ayeena tirada kulamada ku noqon doonaan 10 kulan.
Qori tuurka aan ku ogaaneyno 5ta dal ee aan ku groupka nahy aya la qaban doona bisha julay 12keeda, Kaas oo lagu qaban doono caasimada dalka Benin.
Xiriirka kubada cagta aya Ila iyo hada ka hadlin nidaamka cusub ee Caf ay ku dhawaaqday, warar leysla dhex maraayo aya sheegaya in xiriirka aysan jecleysan in 10 kulan oo Safaro badan lagalaayo yihiin, qarash badan na uu ku bixi doono. Balse cid laga aqbalaayo malaha in uu dalka ka dhumiyo fursad sidaan qaali u ah.