03/06/2022
Waxaa Sanadkii 2aad si habsami leh u qabsoomi doono 23ka Bisha June Tartanka kubada Cagta Xaafadaha Isku raranta ee Horn Affric Slums Derby oo ay soo qaban qaabisay Hayada Horn Affric Soccer Charity.
Tartanka Kubada Cagta Xaafadaha Iskuraranta waa tartan sanadle ah oo lagu dhiirigaliyo dhalinyarada jecel kubada cagta ee kunool xaafadaha isku raranta ee aan haysanin garoomada ama goobo ay kusoo bandhigaan xirfadooda kubada Cagta waxaana la qabtaa bisha June sanadkasta waxaa uu socod doonaa 23 June ilaa Bisha July sidoo kale waxaa Macalimiinta Kooxahaab da,yarta ee sida mutadawacnimada Leh ku shaqeeya Lasiin doonaa Seminar aqoon kororsi ee macalinimo.
Da,ada Ciyaartoyda ka qeyb galayso Tartanka waa Sedex qeyb kala ah.
U11 ama 11Jiro iyo waxii ka yar.
U14 ama 14Jiro iyo waxii ka yar.
U16 ama 14Jiro iyo waxii ka yar.
Tirada guud Ciyaartoyda waa 800 oo ciyaaryahan iyo 48 Koox oo da,yar ah oo ka kala imaadey dhamaan xaafadaha isku raranta ah ee magaalada Mogadishu.