27/08/2026
Guddoomiyaha Deegaanka Shalambood, Nuur Cismaan Raage, ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Koonfur Galbeed ee fasalka 8-aad, kaddib markii la shaaciyey natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad.
Guddoomiyuhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda ku guuleysatay imtixaanka, gaar ahaan ardayda deegaanka Shalambood, isagoo ku ammaanay dadaalkii, adkaysigii iyo juhdigii ay u soo mareen waxbarashadooda.
Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyey waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada, kuwaas oo garab istaag iyo dadaal muuqda ku bixiyey horumarka iyo guusha ardayda.