29/11/2022
Dukaanka markuu soo galay wuxuu arkay qof dumar ah oo u raac raacaysa dhinac walbo, wuu yaabay wuxuu waydiiyay maxaa darnaa ?
Waxay ku tiri wiil aan dhalay oo iga dhintay ayaad u egtahay marka waan u xiisay waxaana waayay qof hooyo i yiraahdo ee hooyo ma i dhihi kartaa, ninkii wuxuu yiri dadka waa isku ekaadaan wax dhib ah malaha, Allaha u naxariisto wiilkaaga maxaan kuu qabtaa hadda?
Waxay tiri si cod dheer ah ii dheh dhawr mar hooyo hoooyo intaas kaliya, ninkii wuxuu bilaabay asagoo dhoola cadeeynaayo inuu hooyo hooyo ku yiraahdo dadka dukaanka oo wada maqaalyo ayadiina ilin ayaa ka timid, waxay tagtay meesha lacagta lagu bixiyo asagii ayay fiirisay, wuxuu ku yiri mar kale hooyo!!
Markuu yimidi meesha lacagta lagu bixinayay ninkii wuxuu soo gatay alaab qiimaheeda gaarayo $50 laakiin mesha waxaa ugu qoran $450, ninkii asagoo yaaban wuxuu yiri $400 dheeraadka ah xagey ka timid?
Ninkii lacagta qaadayay wuxuu ku yiri hooyadaa ayaa tiri wiilkaygaa iga bixinaayo ayaadaana qaadatay ! 🤨
Ninkii wuxuu yiri hooyaday maaha meeshan ayaan ku arkay ! Dadkii dukaanka ku jiraa loo yeeray si marqaati u noqdaan ninkii waxaa lagu yiri anaga dhan ayaan ku maqlanay adigoo hooyo ugu yeerayo ma hadaa inkiraysaa caasi waalideyn ayaad tahay ee waalidkaaga ka bixi qarashka!
Ninkii wuxuu arkay in la gaaday, asagoo xanaaqsan ayuu lacagtii bixiyay, wuxuuna go'aansaday hooyadiisa saxda ah xataa hooyo inuusan dhihin oo uu ugu yeero abti markay banaanka joogaan.😁🤔
Nagu soo Biir follow nasoo dheh Abdikarin Sayid↖️