09/02/2026
Bismillah
Gudoomiyaha Isboortiska Degmada Iyo Xubnihiisa Gudiga Ayaa Ganaax Ka Soo saaray Ciyaartii Maanta U Dhaxeysay Xerokobaad iyo Peace Boys Kadiba Marka Ee Labadooda Daba Mareyn Sharciga Garoonka
Labada Naadi Ayaa Galay Qalad Lagu Digay In Badan Lagana Wargeliyay Koox Walbo Inta Uusan Liiga Bilaaban , Labada Koxood Waxay Jibiyeen qodobkii Ahaa Koox Walbo Iney Garoonka La Timaad laba Banooni ,Sidaas Awgeed Madama Ee Labada Koxood Aysan La imaan Agab Banooni Oo Dhameystiran Waxa Lagu Ganaaxay Iney Koox Walbo Bixisa Lacag 20$ Ah ,Kooxdii Bixin Weysana Waxay la kulmi doonta Ganaax Kale
Wabilaahi Towfiiq