01/08/2022
Bismilaah......
Alhamdulilah.
Asalama Calaykum dhamaan Taageerayaasha ama walaalaha Kooxda W/Ganacsiga G.Sool Meel kastoo kala joogtaan waxan idiin Rajeenaynaa inaad wanagsantihiin Waxaanu idin leenahay La aantiin waxbaba maanu noqoneen Mahad balaadhan baad naga mudan tihiin.
Maanta Oo ay ahayd Taariikhdu Maalin isniin ah 1dii Bishii Aug Waxaanu hananay Horyaalka Heerka labaad Ee Gobolka Sool Dadaal dheer Kadib Tacab Iyo Naf hur Badan kadib Runtii ilaahay waxa uu Nugu guuleeyey Hadafkayagii Oo ahaa Inaanu hanano koobka.
Waxaan halkan ka xusayaa halgankii iyo hayaankii dheeraa aan usoo marnay guusha aan maanta midhaheedii qayb ka mid ah aanu goosanay,
Waxay kooxdu soo martay heerar kala duwan oo kala ah Heerka 4aad,Heerka 3aad iyo Heerka 2aad oo aanu hada ka gudubnay ilaahay mahadii guulo badana aanu soo gaadhnay intii aanu ku soo jirnay hayaankaa dheer, Waxaana ka xusayaa kuwii ugu cad-cadaa oo ahaa in aanu ka mid noqonay kuwii ugu cad-cadaa 20kii kooxood ee loo qabtay kulamadii kala saarista kooxaha heerka labaad ee lagu soo xulanayay 6da kooxood ee Heerka 2aad u soo baxaysa iyo inta heer 3aad u dhacaysa ilaahay mahadii waanu ka soo gudubnay heerkaa.
Guulahaas Oo ku yimi U baqoolid duhur , Jarmaado Aroor, iyo Juhdi Bixin farabadan Oo ay Sameeyeen Ciyaartoyda kooxda macalimiinta kooxda iyo maamulka kooxda Runtii waxay noo ahayd Maalmo Halgan adag Iyo dadaal naf-hurnimo si aanu u Raadino Guushaa Aanu Maanta haysano ilaahay mahadii.
Waxaan halkan dhanbaal dhiiri gelin ah u marinaynaa dhamaan kooxihii aanu isku heerka ahayn una wada tartamaynay hogaanka horyaalka ama kaalinta u saraysa horyaalka saaxiipayaal waad daadaasheen qoraal eebaa ka qornaa in uu dadaalkiinii halkaa ku ekeedo maydaan khasaariin ee waynu wada guulaysanay ilaahay idankii, waxaan idiin rajaynayaa inshalah in idina Guulo badan oo muhiim ah aad gaadhaan.
Waxaan Kaloo U mahad celinaynaa Xafiiska Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Jsl G.sool iyo Xafiiska Xidhiidhka Kubada Cagta G.sool oo runtii si cadaalad iyo Eex la'aan ah u qabtay Horyaalkii u Horeeyey ee G.sool LaBadiisa Heer.
Waxaan kaloo u maHad celinaynaa Garsoorkii aQoonta, kartida iyo ixtiraamka u saaxiibka ahaa ee dhex-dhexaadinayay HoryaaLada G.sool Labadiisa heer waad ku mahadsantihiin sida cadaalada iyo aqoontu ku dheehantahy ee aad u dhex-dhexaadiseen una gudateen waajibaakii laydiin igmaday.
Waxaan kaloo u Mahadcelinaynaa dhamaan asxaabtii walaalihii iyo kooxihii noo soo diray dhambaalada isugu jira hampalyada iyo dhiiri-gelinta dhamaantiin walaalayaa abaalkiina beerkaan idinka ogsoonahay.
Gunaanadkii, Waxaan nafihiina iyo naFahayagaba idiin ku dar-daarmaynaa Cabsida ilaahay S.W.T, ku adkaanta diinteena suuban iyo amaanta suubanaheenii nabiyul anbiyaa mohamed (N.N.K.H)
Mahadsanidiin.