30/08/2026
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Guddoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Jubaland, Axmed Cabdullaahi Axmed iyo bahda ciyaaraha Jubaland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, ehelada, asxaabta iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, geerida ku timid Kaaliyihii Xoghayaha Ururka Kubadda Cagta Jubaland Marxuum Maxamed Omar Xasan Dhiiga, oo maanta ku geeriyooday magaalada Kismaayo.
Waxaan Alle uga baryeenaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan intii uu ka geeriyoodayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.