02/07/2023
Malabkii baa soo dhacay.🐝🐝❤🐝
Daqiiqadah iyo sacadduba aniga dan igma laha ee way iska soconayaan, oo waxa ay kasii gudbeen tobankii fiidnimo, halka aan anigu sagaalkii ku hadhay oo wali jawaab iyo hadal aan naawilayo. Nasiib wannaag goor sheegta oo inyar usii jirta 11-kii habeennimo ayaan farriin caato ah helay oo aan u qalmin in aan laba saacaddood meel u fadhiyay. Laakiin wax kasta waxa igala wayn uun in laysoo jawaabay haddii la doono haba laysoo caayee, hoostaan si wayn uga farxay oo wax wayn baa iga fuqay hal mar. In aan idiinba sheego maahee farriintu siday ba ahayd " kkkkkkkk Dhib malaha ina abti". Aniguna waxaan sugayay miyaad isoo wacday waan ka maqnaa iyo iminka makusoo wacaa, wax caynkaas ah in laysoo yidhaaho, laakiin waan ka xumahay.
Islaan ayayday ah baan ka maqlijiray "nin qoyani biyo isk**a dhawro" ee waxan goostay in aanan caawa seexan, ilaa aan codkeeda maqlo mooyee. Laakiin waa hadday iga yeesho! Waxaan u qoray: waxaan kaa codsan lahaa in aad ii ogolaato in aan codkaaga maqlo. Isla markiiba way isoo jawaabtay, jawaab aannan filanaynba oo ay tidhi: bisinka! Waar isoo wac walaal caadi iska dhigoo!
Waan farxad naxay oo shakigii baa hal mar iga baxay oo kallsoonidii baa soo laabtay isla ilbidhiqsiyo gudahood. Goor aan qaniinsiiyay garan maayee, aniga oo iska baraad la' ayaa dhegahayga waxa kusoo dhacaya, cod aad moodo in ay leedahay gabadha jannada sharaabka dadka u dhigdhigta in yar oo xabeeb ah mooyee waaba isku mid. Waxa ay leedahay: ina abti soo dhawoow, qof muddo badan aan isku dayay in aan la xidhiidho oo ay iisuurto galiwayday baad tahay, laakiin caawa isagu is keenay!
Qosol iyo hadal isku qasan baan isugu jac-buriyay oo ku idhi: waan ka xumahay qof adiga oo kale ah in aan farriinihiisa kasoo jawaabiwaayay muddo dheer, umana qalantid in adiga sidaasi kugu dhacdo, xaala waan kaa siinayaa. Inta ay qososhay ayay igu tidhi" qof kasta oo kula soo xidhiidha wuu qiimo badan yahay, laakiin qofka aad adigu u baahato uun maaha in aad u aragto mid