04/08/2023
Wax aqriska waxaa uu daawo u yahay maskaxda bani adamka, sidoo kale waxaa uu kobciya maskaxda iyo garashada , aqriska wuxuu kaa caawiyaa inaad waxbadan fahanto oo aad bidhaamiso mustaqbalka , sidoo kale waxaa kuu fududeeyaa inaad ka jawaabi karto suaal kasta oo lagu weydoyo, aqriskaada oo bata waxaa uu sahlaa inaad noqota , qaamuus, ama maktabad socota oo bulshada ka caawisa ka jawaabida sualaha ku soo boodada ah.
Aqriska waxaa uu kaa dhigaa qof maskax ahaan u furfuran oo dareen badn leh aqriska waxaa uu maakaxdaada ka dhigaa mid awood badan oo u nugul aqrinta maqaalada kala duwan, buugaagta sheekoyinka, dhacdooyinka, joornaalada, sheekoyinka gaagaban , buugaagta taariqda, iyo aragtiyaha kala duwan.
Ugu danbeyn wax aqriska waxaa uu kaa dhigaa qof leh hal abuur waxaadna awoodi doontaa inaad wax qori karto adiga oo ka bilaawaya qoraalada gaagaban ka dibna u gudbaayo qoraalada dhaahdheer , maskasta oo uu aqriskaada bata waxaa bata wax qoridaada, iyo hal abuurkaada, aqoontaada , iyo inaad noqota qof wax badan sharaxi karo,.sidaasi daradeed waxaan ku dardaarmayaa inaad noqota qof waxbadan aqriya si aad u noqoto qog waxabadan qora ,ama reebo dhaxal badan insha Allah.