22/01/2020
Man United Oo Hormar Ka Sameysay Wadahadalada Saxiixa Bruno Fernandes Iyo Wargeyska A Bola Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay.
January 22, 2020 Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" Comments Offon Man United Oo Hormar Ka Sameysay Wadahadalada Saxiixa Bruno Fernandes Iyo Wargeyska A Bola Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay.
Advertisements
Manchester United ayaa lagu soo warramayaa iney hormar ka sameysay wadahadalada ay dib ula bilowday kooxda Sporting Lisbon kuna saabsan saxiixa Bruno Fernandes, waxaana la fahamsan yahay iney isku dayeyso bishaan iney lasoo saxiixdaan.
Fernandes ayaa muujiyay sida uu ugu baahi qabo inuu ku biiro kooxda Red Devils, balse waxaa la wariyay is faham-darada ka dhalatay qiimahiisa ayaa sababtay inuu baaqi kusii ahaado kooxdiisa.
Si kastaba wararka ka imaanaya dalka Portugal ayaa sheegaya in wadahadaladii dib loo bilaabay laga gaaray hormar fiican, waxaana la aaminsan yahay in labada kooxood ay isla meel dhigeen wax walba oo ku saabsan arintiisa.

Wararka la baahiyay waxaa lagu sheegay in Red Devils ay diyaar u tahay bixinta lacag dhan 46.7 Malyan oo Pound oo la raacin doono 8.5 Malyan oo Pound oo gunno ah.
Ole Gunnar Solskjaer wuxuu maanka ku hayaa iney kooxda u baahan tahay dib u dhis xilli uu isku diyaarinayo kulanka ay caawa la leeyahiin Burnley.
25-jirkaan tayada wanaagsan wuxuu kooxdiisa ku cadaadinayaa in laga iibiyo Man United, balse lama oga sida ay bishaan ugu dhamaan doonto.,