Cabdilaahi Shiine

Cabdilaahi Shiine Wararka, Warbixinaha iyo Xogaha kala duwan ee ka dhacaya guud ahaanba Caalamka.

Abaalkaga Alle Jano Ha Ka Yeelo Maayir❤️🙏Ma Jiraan Ereyo Laga Odhan Karo Sagooyintaada Balse Waxaa Ku Tabi Doona Inta Da...
30/05/2026

Abaalkaga Alle Jano Ha Ka Yeelo Maayir❤️🙏

Ma Jiraan Ereyo Laga Odhan Karo Sagooyintaada Balse Waxaa Ku Tabi Doona Inta Dar Alle Kuugu Taagertay Wax Qabadka Aad Magaalada Hargeisa Ka Qabatay Mudadii 5-ta Sano Ahayd Ee Aad Hargeisa Maamulaysay Iyo Danyartii Aad Wehelka U Ahayd Ee Aad Kumanaan Ka Mida Dejisay Dhul Ay Baahi Weyn U Qabeen.

Geesta Kale Maayir Waxaad Dhigtay Taarikh Iyo Lama Arag Ay Adag Tahay In Dabadaa La Sameeyo Waana Dhaqan Wanagsan Oo Aad U Jeexday Siyaasiyiinka Reer Somaliland Balse Ay Adag Tahay In Dabadaa La Arko Masuul Kula Mida Oo Talaabadan Oo Kale Qaada.

Ugu Dambayntii Ma Jirto Waxaan Ku Idhaa Oo Aan Ahayn Waxaan Kuu Rajeynaya Mustaqbal Wanagsan Iyo Guul Labada Daaroda.

Kulamada Maanta Ee Horyaalka Heerka 4aad (D)Kulanka 1aad: Goodir Vs Digaale (4:00 Pm)Kulanka 2aad: Mooge Vs Himilo (5:00...
28/05/2026

Kulamada Maanta Ee Horyaalka Heerka 4aad (D)

Kulanka 1aad: Goodir Vs Digaale (4:00 Pm)

Kulanka 2aad: Mooge Vs Himilo (5:00 Pm)

Saadali kulamada Maanta Ee Horyaalka Heerka 4aad (D)

27/05/2026

Ciid Mubarak Sadkaygii Aan Jeclaayo🙏❤️

Kala Saraynta Wareega 2aad Ee Horyaalka Kooxaha Heerka 4aad (D) Ee Degmada M.Mooge.Kooxdaadu Todobaadkan 2aad Kaalinte K...
26/05/2026

Kala Saraynta Wareega 2aad Ee Horyaalka Kooxaha Heerka 4aad (D) Ee Degmada M.Mooge.

Kooxdaadu Todobaadkan 2aad Kaalinte Ku Jirtaa?

Ciid Mubarak, Kula Caam Watu BikhayrWaxaan Halkan Hambalyada Ciidul Adxaha Awgeed Hambalyo Uga Dirayaa Dhamaan Shucuubta...
26/05/2026

Ciid Mubarak, Kula Caam Watu Bikhayr

Waxaan Halkan Hambalyada Ciidul Adxaha Awgeed Hambalyo Uga Dirayaa Dhamaan Shucuubta Islaamka Meel Ay Kala Jooganba, Gaar Shacniga Gobta Ee Somaliland.

Kulamada Maanta Ee Horyaalka Heerka 4aad (D)Kulanka 1aad: Himilo Vs Goodir (3:30 Pm)Kulanka 2aad: Digaale Vs Mooge (4:30...
23/05/2026

Kulamada Maanta Ee Horyaalka Heerka 4aad (D)

Kulanka 1aad: Himilo Vs Goodir (3:30 Pm)

Kulanka 2aad: Digaale Vs Mooge (4:30 Pm)

Saadali kulamada Beri Ee Horyaalka Heerka 4aad (D)

Friendly Match: Maroodi Jeex Vs Awdal (4:00 Pm)Waxa Maalinta Beriya Oo Khamiisa Garoonka 2aad Ee Caasimadda Kulan Xuska ...
20/05/2026

Friendly Match: Maroodi Jeex Vs Awdal (4:00 Pm)

Waxa Maalinta Beriya Oo Khamiisa Garoonka 2aad Ee Caasimadda Kulan Xuska 18 May Ah Ku Wada Ciyaari Doona Xulalka Maqalka Naafada Ka Ah Ee Maroodi Jeex Iyo Awdal.

Kulankan Oo Ah Mid Xiiso Badan Oo Daawadayaasha Kubada Cagta Xiiseyan Wada Sugayaan Ayaa Ah Kulanka Ugu Adag Ee Ay Iskaga Hor Yimaadan Kooxaha Maqalka Naafada Ka Ah Ee Gobolada Somaliland.

Kala Saraynta Wareega 1aad Ee Horyaalka Kooxaha Heerka 4aad (D) Ee Degmada M.Mooge.Kooxdaadu Todobaadka 1aad Kaalinte Ku...
19/05/2026

Kala Saraynta Wareega 1aad Ee Horyaalka Kooxaha Heerka 4aad (D) Ee Degmada M.Mooge.

Kooxdaadu Todobaadka 1aad Kaalinte Ku Jirtaa?

Kulamada Maanta Ee Horyaalka Heerka 4aad (D)Kulanka 1aad: Himilo Vs Digaale (4:00 Pm)Kulanka 2aad: Sahan Vs Heegan (5:00...
17/05/2026

Kulamada Maanta Ee Horyaalka Heerka 4aad (D)

Kulanka 1aad: Himilo Vs Digaale (4:00 Pm)

Kulanka 2aad: Sahan Vs Heegan (5:00 Pm)

Saadali kulamada Maanta Ee Horyaalka Heerka 4aad (D)

Aqoonsi Iyo AdkaysiKu: Bulshada Caasimadda Hargeisa Ku: Bulshada Degmada M.HaybeKu: Bulshada Degmada M.MoogeUjeedo: Xus ...
16/05/2026

Aqoonsi Iyo Adkaysi

Ku: Bulshada Caasimadda Hargeisa
Ku: Bulshada Degmada M.Haybe
Ku: Bulshada Degmada M.Mooge

Ujeedo: Xus Maalintaada Qaran, Hantidaadana Ilaasho

Aniga Oo Ku Hadlaaya Afka Maamulka Garoonka Maxamed Mooge Stadium Waxaan Bulshada Goobta Ee Reer Hargeisa, Gaar Ahaan Bulshada Labada Degmo Ee Caawa Dabaaldega 18 May U Leh Leenahay Ka Soo Qayb Gal Wacan Dhamaantin Caawa Iyo Munaasibada Xuska 18 May Ee Garoonka M.Mooge.

Geesta Kale Waxaan Bulshada Xariirta Ee Degmada M.Mooge Leeyahay Soo Dhaweeya Bulshada Gobtaa Ee Caawa Iman Doonta Garoonka M.Mooge Si Loo Xuso Munaasibad Sanad Guurada 35aad Ee La Soo Noqoshada Xornimada Somaliland.

Ugu Damabayn Waxaan Si Gaara Ula Dardaarmaya Bulshada Qiimaha Badan Ee Munaasibadan Ka Soo Qayb Galaysa Oo Aan Leeyahay Fadlan Aynu Ilaashano Garoonka Oo Aynu La Shaqayno Gudiyada Hawshan Ku Hawlan Hadii Ay Tahay Gudida Qaban-qaabada 18 May Ee Heer Degmo iyo Heer Qaranba, Gudida Garoonka M.Mooge Iyo Laamaha Kala Duwan Ee Ciidamada Amaanka.

Fiiro Gaara: Garoonka M.Mooge Waa Hanti Ka Mida Hantida Ay Bulshadu Wada Leedahay Ee Fadlan Dhankaaga Ka Ilaasho.

Fadlan Gaadhsiya Bulshada Kale❤️🙏

Address

M. Mooge MCH
Hargeisa

Telephone

+252634488110

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cabdilaahi Shiine posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share