13/12/2023
ALXAMDULILAAH❤️
Kooxda wasaaradda Maaliyadda Ceerigaabo Ayaa kamid noqonaysa sanadka kooxaha U,anba bixi doona Horyaalka Horyaaladda somaliland Ee Sanadkan. 2023 ilaa 2024.
Kooxda wasaaradda maamulkeeda iyo Ciyaartoyduba waxay sanadka sameeyeen dadaal Aad uweyn walaw hamigoodu ahaa koobka hadanna qaradka Eebe Swt ayaa sidaa udhacay.
Waxaa kooxdu umahad celinayaa Gudoomiyaha Xidhiidhka kubada cagta somaliland iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha. Isla jeerkaana kooxdu waxay umahad celinaysaa wasaaradda dhalinta ciyaaraha Gobolka sanaag iyo xidhiidhka Gobolka sanaag oo door mihim ah ka qaatay qabsoomida Horyaalkii dhamaaday.
sidoo kale waxay kooxdu soo dhaweynaysaa hambalyona udiraysaa Wasiirka cusub Ee wasaaradda dhalinta iyo ciyaaraha heer qaran.
Waxay kooxdu si mug iyo miisaan leh Mahad celin ugu haysaa Wasaaradda horrumarinta Maaliyadda oo kaalin Mug leh ka qaadata Dhiiri galinta Dhalinyadda
Sidoo kale Kooxdu waxay maamuusaysaa maamulka kooxda oo si hagar la,aan ah u hibeeyey hamigoodii iyo dadaalkoodii ay sida buuxda ula garab taagaayeen dhalinyaradda.
Waad mahad santihiin
Gudoomiyaha kooxda Mohamed Ahmed Ali
Macalinka kooxda Kooxda Liban Cartan Xuseen
Macalin ku xigeenka kooxda Nouh Cumar Cabdule
Xooghayaha kooxda Maxamed Xuseen Nuur.
ALLAA MAHADLEH