25/08/2021
"Gob cadhootay waa lagu yaqaan, guul xantoobsiga"
Bismilaah.
Waxaan farxadda iyo raynraynta la wadaagaya taageerayaasha gobalka Haylaan ee aan matalayay funaanaddooda, sumcaddooda iyo sharaftooda garoonkaba. Waxaan kale oo si wayn u bogaadinayaa macalinkii gobalka, ciyaartoydii iyo dhamaan asxaabtaydii halganka hanashada guushan aan gamcaha isu qabsanay. Sidoo kale waxaan u hambalyaynayaa ciyaartoydii gobolka Nugaal ee galabta aan ku loolamaynay hanashada libta, waxaanan leeyahay, "gari laba nin k**a wada qosliso".
Intaas ka dib, waxa aan idinla wadaagayaa dhacdo aan muhiim u arkay in aan idiin sheego, si ay waano iyo geesinimo ugu noqoto qof kasta oo halgan nololeed noocuu doona ha ahaado ee ku jira.
Waxa dhacday galabtii taariikhdu ku beegnayd 8 Aug ee bishan, kulankii h**e ee aannu la ciyaaraynay gobolka Nugaal in ciyaarta dhexdeedii dhaawac iga soo gaadhay, ka dib markii aan X-ray-ga tagayna lay sheegay in aan feedh ka jabanahay. Garan maysaan xaaladdaydu sida ay noqotay, waxa uu warwar wayni iga galay oo aan ka baqay sida ay dhaawacayga ugu niyad jabi doonaan taageerayaashii reer Dhahar ee magacayga ku dhawaaqayay iyagoo guul iga filanaya.
Reerkayaga oo ahaa cidda qudha ee aan u sheegay waxa ay igu la taliyeen in aan ka baaqsado ciyaaridda, se waan ka diiday si aan u xaqiijiyo hammiga lib doonka ah ee reer Dhahar iyo gobalka Haylaan. Waxa aan ka codsaday in ay qariyaan dadka aan la wadaagay oo koobnaa si aan difaacyada gobolada aan ka hor imanayaa u ogaan dhaawacayga oo aayar lay damqin. Waxa iga go'nayd in aan koobka dhahar keeno, waanan kasoo dejiyay ugu dambayn.
Ciyaartaa koowaad ee gobolkayga laga badiyay, anna aan dhaawaca uga baxay oo nalaga badiyay baana caafimaaf taam ah iigu dambaysay. Waxaan dhaawac kula ciyaaray gonolada kala ah, Bari, Sool, Sanaag, Mudug iyo Nugaal.
Dhammaantood waxa aan ka dhaliyay min hal gool oo gobalkayga guusha u horseeday anoo dhamaantood dhaawac qabe qarsoon ahaa.
Waxa aan qaatay dardaarankii abwaan Hadraawi ee ahaa
"Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto
Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye
Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye
Guri ba'ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye
Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye".
Ugu dambayn caawa waxa aan ku naaloonayaa dadaalkii iyo naf-hurkii ay keentay dhabar-adaygaygii iyo kii dhamaan asxaabtii garoonka aan kuwada difaacaynay maaliyadda gobalka Haylaan. Waxaan idinkaga tagayaa dardaaran ah guusha waa loo samraa, se dhayal laguma helo
"Nin naftiisa biime u geshiyo bohol xun mooyaane
Bawdada nimay kaga dhacdiyo boqonta mooyaane
Gobanimo bilaash laguma helo ban iska taaltaale"
~ AHUN Maxammed Nuur Fadal.
Qore: Xamse Shiikha.