20/03/2026
Waxaa si rasmi ah noogu soo dhammaaday tartankii isdhexgalka dhalinyarada ee xaafadda New Power Ramadan Cup, oo ahaa tartan si wanaagsan loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen kooxo kala duwan. ⚽
Ciyaartii final-ka waxaa fooda is daray labada koox ee kala ah Napoli FC iyo Horseed, waxaana ugu dambeyn koobka ku guuleystay Horseed kadib markii ay ku qaadeen rigoorayaal, ciyaar aad u xiiso badneyd kadib.
Xafladdii xiritaanka waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan, saraakiil ka tirsan Dowlada Puntland iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo si weyn u dhiirrigeliyay dhalinyarada.
Ugu dambeyn, tartankan wuxuu noogu soo dhammaaday si qurux badan, isagoo muujiyay wadajirka, kartida iyo horumarka dhalinyarada xaafadda New Power.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan kooxaha, ciyaartoyda iyo taageerayaasha ka qayb qaatay guusha tartankan. 🏆⚽