07/07/2023
Akadeemiyada Kooxda kubadda Al Xigma Football Club (AFC) "Heerka 2aad" ayaa galabta kulan saaxiibtinimo kula ciyaaray garoonka kubadda cagta Mire Awaare Stadium, dhigooda Xalane FC oo ka dhisan Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Kulanka oo ahaa kulan saaxiibtinimo ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Nugaal Mudane Siciid Xasan Cabdi, Guddoomiyaha guud ee Kooxda Al Xigma heerar keeda kala duwan Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud (Maax Timo Cadde), ciyaaryahanada kooxda ee heerka kowaad iyo marti sharaf kale.
Ugu damayntii kulanka labada kooxood ayaa ku soo dhammaaday barbaro 0:0 ah.
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta Kooxda kubadda cagta Al Xigma Football Club ⚽️ (AFC).