13/11/2024
Maanta oo taariiqdu aheed 13/Nov/2024 ciyaartii dhaxmartay kooxaha kala ah vs GSU ee ka tirsanaa tartanka heerka 3aad Ee Galkacyo putland
Oo aan dhaxdhaxaadinayey sidoo kalena Caawiyayaasheyda eey ahaayeen sxbadeyda ila hayey ciyaarta waxaa dhacdey markii Eey dhamaad ku dhaweed ciyaarta ee weerar nagu soo qaadey kooxda G,S,U taasoo noo geysatay falal ka baxsan kubada Cagta waxaana gacanqaadyadii eey noo geysteen naga soo gaarey dhaawacyo culus.
Ma ahan markii koowaad garoonka Cawaale Stadium gacan qaad sidaan oo kale ah la iigu geystay balse tani waxa eey kaga duwantahay koox wadata ciyaartooydeeda iyo macalimiinteeda ineey si bahalnimo noo wax yeeleeyaan,sidaas darteen waxaan ka codsaneynaa hayadaha kala duwan ee aminiga gobolka iyo maamulka sportiga iyo xiriirka kubada cagta putldn ineey wax ka qabtaan shaqsiyaadka ka dambeeyey falkaas gurucan ee nalaku waxyeeleeyey.