Galdogob Youth Development Organization GYDO

Galdogob Youth Development Organization GYDO Is non govermental Orgsnization that working Mudug region and it always focus on youth and Socail development

19/08/2026

Dhalinyarada Galdogob oo booqday Isbitaalka Guud ee Galdogob.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Galdogob oo ay weheliyaan xubno ka mid ah hormuudka dhalinyarada Galdogob ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka Guud ee Galdogob halkaas oo ay kulan iyo xog-warran kula yeesheen maamulka isbitaalka.

Dhalinyarada waxaa si diirran u soo dhaweeyay Agaasimaha Isbitaalka Eng. Maxamed Cabdullaahi Aadan kaaso dhalinyarada siiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan taariikhda isbitaalka, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, adeegyada caafimaad ee uu bulshada u hayo iyo shaqada baaxadda leh ee maanta ka socota.

Agaasimuhu wuxuu si gaar ah uga warramay hayaankii dheeraa ee uu soo maray Isbitaalka, caqabadihii iyo duruufihii uu ka gudbay iyo dadaalladii lagu xaqiijiyay in isbitaalku maanta noqdo xarun caafimaad oo si joogto ah ugu adeegta bulshada.

Dhalinyaradu waxay si weyn ugu mahadceliyeen Agaasimaha waqtiga uu u huray isbitaalka iyo warbixinta qiimaha badan ee uu la wadaagay iyagoo bogaadiyay dadaalka iyo shaqada muuqata ee lagu horumariyay adeegyada isbitaalka.

Waxaa si gaar ah loo xusay in Isbitaalka Guud ee Galdogob uu ka soo tillaabay marxalad adag isagoo mar ahaa hayโ€™ad wajahday fashil iyo caqabado balse maanta noqotay mid ka mid ah xarumaha danta guud ugu muhiimsan ee ay reer Galdogob ku faanaan taasoo ay dhaliyeen hoggaan dulqaad iyo hawl-karnimo leh.

Maanta isbitaalku ma aha oo keliya xarun caafimaad oo u adeegta bulshada Galdogob balse wuxuu adeegyo caafimaad u fidiyaa bulshada ku nool gobollada Dhexe, Mudug iyo deegaanno ka baxsan iyadoo adeeggiisu gaaro Ceel-Cad iyo illaa gobol waynaha Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS).

Dhalinyarada Galdogob waxay u arkaan horumarka Isbitaalka Guud ee Galdogob tusaale mudan in lagu daydo gaar ahaan sida xarun ay dhibaatooyin iyo caqabado badan soo mareen loogu beddeli karo hayโ€™ad si hufan ugu adeegta danaha guud ee bulshada.

Waxaan Agaasimaha iyo dhammaan shaqaalaha Isbitaalka Guud ee Galdogob uga mahadcelinaynaa dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda bulshada waxaana ku dhiirrigelinaynaa inay sii wadaan hawsha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

Dhalinyaradu waa inay ogaadaan oo qiimeeyan kana qaybqaataan ilaalinta iyo horumarinta danta guud ee bulshada.


.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Galdogob Cumar M Saciid - Biixi oo lagu casuumay Gaalkacyo Peace Forum, oo ah madal ay soo aba...
16/08/2026

Guddoomiyaha Dhalinyarada Galdogob Cumar M Saciid - Biixi oo lagu casuumay Gaalkacyo Peace Forum, oo ah madal ay soo abaabushay hayโ€™adda PSA, laguna gorfeeyay arrimaha nabadda, wada-hadalka iyo doorka bulshada ee xoojinta nabadgelyada.

Waxay ahayd fursad qiimo badan oo aan kaga qaybqaato is-dhaafsiga aragtiyada iyo dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo isku-xirnaanta bulshada.

Nabadda waa masuuliyad wadajir ah, dhalinyaraduna waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhismaheeda. ๐Ÿ•Š๏ธ

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee GYDO ayaa habeennimadii Talaadada ajiibay fursad taariikhi ah oo ahayd casuu...
29/07/2026

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee GYDO ayaa habeennimadii Talaadada ajiibay fursad taariikhi ah oo ahayd casuumaad Dhalinyarada uga timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali, Ugaaska Beelaha Tanade.

Kulanka oo muhiimad gaar ah u lahaa dhalinyarada bacdamaa uu ahaa wada-tashigii u h**eeyay ee ku saabsan Aayaha Bulshada oo ay wada yeeshaan hoggaanka dhaqanka iyo dhalinyarada ayaa Ugaasku jeediyay in si qoto dheer loo falanqeeyo baahiyaha bulshada haysta, caqabadaha hor taagan, xalalka la heli karo iyo kaalinta dhalinyaradu ay ka qaadan karaan.

Dhalinyarada oo soo dhaweeyay aragtida fog ee Ugaaska, ayna ka muuqatay sida ay u danaynayaan inay si toos ah uga qaybqaataan go'aan-qaadashada iyo qaabaynta mustaqbalka halkii ay ka ahaan lahaayeen daawadayaal aan talo galin ayaa kulanka ku soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah kuwaas oo iyagoo qoran lala wadaagay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas oo ah hoggaanka u sarreeya deegaanka.

Hormuudka Dhalinyarada ayaa si gaar ah u rajaynayay in dadaalka iyo hindisaha Ugaasku gaaro fulin iyo natiijo la taaban karo si wax looga qabto baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada iyo kuwa gaarka ah ee dhalinyarada iyadoo loo abuurayo fursado iyo jawi ay Aqoontooda iyo Kartidooda mudnaan ugu heli karaan.

GYDO waxay aaminsan tahay marka ay sidaan hoggaanka dhaqanka, bulshada iyo dhalinyaradu yeeshaan wada-tashi ay suuragal tahay in si fudud lagu helo xalal soo degdega isla markaana waara oo wax ka qabta caqabadaha deegaanka laguna dhisi karo Bulsho mid ah iyo mustaqbal nabdoon oo Horumar leh.

Galdogob Youth Development Organization GYDO

HAMBALYO XAAFADA HORSEED OO KALKII LABAAD HANATAY KOOBKA XAAFADAHA GALDOGOB.Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee ...
24/07/2026

HAMBALYO XAAFADA HORSEED OO KALKII LABAAD HANATAY KOOBKA XAAFADAHA GALDOGOB.

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob ee GYDO wuxuu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa Xafadda Horseed oo ku guuleysatay Koobka Xaafadaha Degmada Galdogob, kadib tartan qurux badan oo ay ka qaybqaateen shanta xaafadood ee degmada.

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaal karti, isku-duubni iyo tartan ciyaareed oo hufan. Hambalyo gaar ah waxaan u diraynaa ciyaartoyda maamulka iyo taageerayaasha Xaafadda Horseed ee maanta guusha gaarsiiyay xaafadooda.

Waxaan si gaar ah mahad iyo bogaadin ugu jeedinaynaa Maamulka Ciyaaraha Degmada Galdogob oo dadaal weyn geliyay qabsoomidda iyo habsami-u-socodka tartankan, iyagoo muujiyay dadaal, dulqaad saa'id ah iyo masuuliyad.

Sidoo kale waxaan bogaadinaynaa garsoorayaasha tartanka iyo hufnaanta ay ku shaqeeyeen iyagoo si masuuliyad iyo dhexdhexaadnimo leh u gutay waajibaadkooda, taasoo qayb weyn ka qaadatay quruxda iyo guusha tartanka.

Mahad gaar ah waxaan u jeedinaynaa taageerayaasha ciyaaraha gaar ahaan gabdhihii iyo hablaha Galdogob ee ka qayb qaatay bilicda iyo quruxda garoonka kuna soo kordhiyay tartanka jawi farxad dhiirrigelin iyo muuqaal qurux badan.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa Ciidanka Booliska Galdogob oo door muhiim ah ka qaatay sugidda amniga garoonka iyo xaqiijinta in ciyaaruhu ku qabsoomaan jawi nabdoon oo deggan.

Ugu dambayn waxaan hambalyo iyo mahadcelin u diraynaa dhammaan shanta xaafadood ee Galdogob ee si qurux badan uga qayb qaatay tartankan. Mid kasta wuxuu qayb ka qaatay quruxda, midnimada iyo guusha tartanka.

Hambalyo Horseed | Hambalyo dhammaan shanta Xaafadood!

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob (GYDO)

09/04/2026

| Kulan Wada-shaqayn

Guddoomiyaha Dhalinyarada Galdogob ee Galdogob Youth Development Organization - GYDO, Eng. Cumar M Saciid - Biixi oo ay weheliyaan hormuudka dhalinyarada Mudug, ayaa maanta booqday Guddoonka cusub ee Gobolka Mudug ee dhowaan la magacaabay.

Kulanka waxaa lagu soo dhaweeyey niyad wanaag iyo rajo isbeddel, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo bulshada.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay dadaalka muuqda ee GYDO ka fulisay Galdogob, isagoo caddeeyey in ururku sii labanlaabi doono hawlaha horumarineed marka uu helo taageero iyo dawladnimo dhiirrigelisa dadaallada dhalinyarada.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku aaddan iskaashi joogto ah iyo wada shaqayn wax ku ool ah.

04/03/2026

Kulan Xog-Wadaag Nabadeed oo Ka Dhacay Galdogob

๐—จ๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜†๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—น๐—ฑ๐—ผ๐—ด๐—ผ๐—ฏ (๐—š๐—ฌ๐——๐—ข) oo ay wehelinayaan ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐›๐š๐๐ ๐ž๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐ž๐ž ๐†๐š๐ฅ๐๐จ๐ ๐จ๐›, ayaa soo agaasimay kulan xog-wadaag iyo is-xogwaraysi ah oo ay ku casuumeen bah-wadaagta ka wada shaqeeya arrimaha nabadda ee degmada.
Kulanka waxaa ka qaybgalay hayโ€™adaha ๐—–๐—”๐—ฅ๐—˜ ๐—œ๐—ป๐˜๐—ฒ๐—ฟ๐—ป๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฃ๐—ฆ๐—”, kuwaas oo gacanta ku haya dadaallo nabadeed oo uu maalgelinayo ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—ฆ๐˜๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ถ๐˜๐˜† ๐—™๐˜‚๐—ป๐—ฑ (๐—ฆ๐—ฆ๐—™).

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la isku waafajiyo aragtiyaha, la is-weydaarsado xogaha la xiriira xaaladda nabadeed ee Galdogob, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa ururrada maxalliga ah iyo hayโ€™adaha taageeraya nabadda.

Kulanka waxaa si gaar ah loogu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in nabaddu hesho maalgelin joogto ah, maadaama khilaafaadka bulsho aysan ku dhammaan hadal oo keliya, balse ay u baahan yihiin:

Barnaamijyo wacyigelin iyo dib-u-heshiisiin
Taageero dhaqaale oo lagu hirgeliyo xalal waara
Dhisidda kalsoonida iyo awoodda hayโ€™adaha maxalliga ah
Iyo abuurista fursado ka hortaga in khilaafku dib u soo laabto

Ka-qaybgalayaashu waxay isla qaateen in maalgelinta nabaddu ay tahay maalgashi mustaqbal, maadaama ay gacan ka geysanayso yaraynta khilaafaadka, xoojinta wada-noolaanshaha, iyo dhooynta xal waara oo bulshada dhexdeeda ka hana-qaada.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah, si loo helo isku-duubni iyo is-waafajin buuxda oo ku aaddan dadaallada nabadeed ee ka socda Galdogob iyo deegaannada ku xeeran.

Kulankan xog-wadaagga ah wuxuu muujinayaa in nabaddu aysan ahayn hawl cid gaar ah ku kooban, balse ay tahay dadaal wadajir ah oo u baahan qorshe, iskaashi iyo maalgelin sugan.

๐Ÿ•Š๏ธ Nabadda la maalgeliyo waa nabad la hirgeliyo..

๐™‚๐™”๐˜ฟ๐™Š โ€“ ๐™Ž๐™–๐™™๐™˜๐™–๐™–๐™ก๐™ ๐™– ๐™‰๐™–๐™—๐™–๐™™๐™™๐™–

  | Kulan Mahadcelin iyo SagootinGuddoomiyeyaasha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Degmada Galdogob, Mudane Cabdi Cali Xaashi ...
02/03/2026

| Kulan Mahadcelin iyo Sagootin

Guddoomiyeyaasha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Degmada Galdogob, Mudane Cabdi Cali Xaashi iyo Eng. Cumar Siciid Maxamuud, ayaa kulan mahadcelin iyo sagootin ah u sameeyey Guddoomiyaha SYDA (Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir) oo booqasho shaqo ku joogay magaalada Galdogob.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu muujiyey qaddarin iyo xushmad, maadaama SYDA ay ahaayeen garab-istaagihii u horreeyey ee Xulka Galdogob, xilligii ay gaareen guushii taariikhiga ahayd ee koobka gobolka Mudug - 2025. Taageeradaas h**e waxay ahayd mid dhiirrigelin iyo niyad-dhis u noqotay dhalinyarada Galdogob.

Masโ€™uuliyiinta Galdogob ayaa uga mahadceliyey booqashada, iskaashiga iyo walaaltinimada joogtada ah, iyagoo adkeeyey in xiriirka labada dhinac uu sii xoojin doono wada shaqaynta dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha.

Kulanka ciyaareed ee la qabtay wuxuu ku soo dhammaaday jawi saaxiibtinimo, is-qadarin iyo ballanqaad ah in la sii xoojiyo midnimada iyo iskaashiga mustaqbalka.



  | War-SaxaafadeedUrurka Galdogob Youth Development Organization (GYDO) wuxuu bogaadinayaa Shirweynaha Booliska iyo Bul...
01/03/2026

| War-Saxaafadeed

Ururka Galdogob Youth Development Organization (GYDO) wuxuu bogaadinayaa Shirweynaha Booliska iyo Bulshada Galdogob ee maanta ka qabsoomay Hallka Green Park.

Kulankan muhiimka ah waxaa soo qabanqaabisay Dawladda Hoose ee Degmada Galdogob, iyadoo si gaar ah loo xusay doorka iyo aragtida Xoghayaha Dawladda Hoose, Mudane Saacid Filane, oo khudbaddiisa ku adkeeyey muhiimadda wada shaqaynta shacabka iyo hayโ€™adaha dawladnimada si loo helo amni, kalsooni iyo nidaam waara.

GYDO waxay caddeyneysaa in dhalinyarada Galdogob ay diyaar u yihiin la shaqaynta Booliska cusub ee Galdogob, si loo xoojiyo nabadgelyada, wacyigelinta iyo ka hortagga falalka lidka ku ah amniga bulshada.

Sidoo kale, ururku wuxuu carrabka ku adkeynayaa muhiimadda ay leeyihiin kulamada noocan oo kale ah, gaar ahaan marka la tixgelinayo doorka firfircoon ee dhalinyarada. Waxaa lagama maarmaan ah in dhalinyarada lagu daro qorsheynta, ogaysiinta iyo ka muuqashada madalaha, si codkooda iyo maqaamkoodu uga dhex muuqdo kulamada, loona siiyo kaalinta ay ku leeyihiin dhismaha nabadda iyo dawladnimada.

Wada shaqayn iyo kalsooni ayaa lagu dhisaa amni waara.

Guddoomiyaha Galdogob Youth Development Organization GYDO Eng. Cumar M Saciid - Biixi  wuxuu hambalyo iyo duco u dirayaa...
17/02/2026

Guddoomiyaha Galdogob Youth Development Organization GYDO Eng. Cumar M Saciid - Biixi wuxuu hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan bulshada reer Galdogob munaasabadda bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Bishani waa bil cibaado, samir, sadaqo iyo is-xisaabin; waa fursad qaali ah oo aan ku xoojinno xiriirka Alle, lagu mideeyo quluubta, laguna dardargeliyo wanaagga iyo is-garabsiga bulshada.

Guddoomiyuhu wuxuu ku boorinayaa dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada inay ka faaโ€™iideystaan bishan barakeysan, isla markaana ay muujiyaan isku duubni, is-qadarin iyo garab istaag loo muujiyo dadkeenna siiba kuwa tabaaleysan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu Alle uga baryayaa inuu na haleeshiiyo Ramadaan kheyr iyo nabad ku dheehan, camalkeenana uu naga aqbalo.

Ramadaan Kariim.
Allah Mahad Leh.

Guddoomiyaha GYDO

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob (GYDO) wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqayaa dhismaha iyo habeynta Golaha cusub ee ...
16/02/2026

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob (GYDO) wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqayaa dhismaha iyo habeynta Golaha cusub ee ururka, si loo xoojiyo hannaanka hoggaamineed, isla markaana loo dardargeliyo hawlaha horumarinta dhalinyarada iyo bulshada Galdogob.

Golaha cusub wuxuu ka kooban yahay hoggaan sare oo ah agaasimayaal waaxeedyo kala duwan kuwaas oo loo xushay hufnaan iyo maamul wanaag.

Magacaabista xubnahan cusub waxay salka ku haysaa karti, daacadnimo, iyo u heellanaanta adeegga bulshada. Golaha cusub waxaa laga sugayaa:

Horumar muuqda
Midnimo iyo wadajir
Kobcinta dhalinyarada
Xoojinta mashaariicda horumarineed

Ugu dambeyn, GYDO waxay ugu baaqaysaa bulshada reer Galdogob inay garab istaagaan hoggaanka cusub si loo gaaro himilooyinka ururka.

Wadajir ayaan ku horumari karnaa mustaqbalkeenna.

Address

@Galdogob Community Center
Galdogob

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galdogob Youth Development Organization GYDO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Galdogob Youth Development Organization GYDO:

Shortcuts

Share