17/02/2026
BISMILAH RAMADAN MUBARAK
Waxaan idiin rajeenena Ramadan Kariim Saaxibyaal.
Ramadanku ma aha oo keliya bil cibaado; waa iskuul ruuxeed oo qofka baraya sabar, is-xakamayn, masuuliyad iyo naxariis. Waa waqti aynu dib ugu laabanno qiyamkeenn, aynu xoojino xiriirkeenna Eebbe, isla markaana aynu daryeelno bulshadeenna gaar ahaan kuwa nugul.
Alle ha inaga aqbalo soonka, salaadda iyo camalka suubban.
Alle ha inoo yeelo bishan mid nabad, barako, iyo guul ku dhammaata.
Ramadan Kariim dhammaantiin.