31/03/2026
Alxamdullilaah waxaa si nabad ah noogu soo dhammaaday koobkii aan ugu magac darnay walaalkeen Maxamed Cabdirisaaq Yaasiin Naaif Rabbi ha u naxariistee.
Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaynaa dhammaan cid walbo ka qeyb qaadatay abaabula Koobka iyo hirgalintiisaba oo ay ugu horeeyaan maamulka Teamka iyo Maamulka Sportska Gobalka Bari.
Waxaan u wada hambalyeynaynaa Dhammaan Teams ka qeyb galay koobka kuwaas oo muujiyay Biseyl iyo isu tanaasul waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa Teamkii ku guuleysta Koobka.
Allaah baa mahad leh.