21/05/2025
Al-Jaziira oo markale guul ka gaartay Gantaalaha ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Baladweyne
Waxaa mar labaad maanta garoonka hawlwadag ee magaalada Baladweyne ku kulmay kooxaha Al-Jaziira iyo Gantaalaha, iyadoo ciyaartan ay ahayd mid xamaasad gaar ah leh. Al-Jaziira ayaa mar kale kusoo bandhigtay ciyaar qurux badan iyo bandhig heer sare ah, taasoo u suurta gelisay in ay guul ka gaarto Gantaalaha.
Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 1-0 ay guusha ku raacday Al-Jaziira, iyadoo goolka lagu kala badiyay uu yimid qeybta dambe ee ciyaarta. Al-Jaziira ayaa ciyaartoydeeda iyo taageerayaasheeduba wada muujiyeen farxad iyo raynrayn kadib markii ay guushaas gaareen.
Kooxda Al-Jaziira ayaa markan xaqiijisay awooddeeda tartanka, waxayna si toos ah ugu gudubtay wareegyada xiga iyadoo ay taageerayaashu si weyn u ammaaneen ciyaartoyda dadaalka badan muujiyay.