18/03/2021
Hadii aad dooneeyso inaad noqoto qof dadka kale ka soocan oo mustaqbal fiican leh waxaa jiro qodobo eey tahay inaad raacdo si aad u noqoto qof dadka kale ka duwan oo mustaqbalkiisana ifaayo:
1.Dhoolacadeey xili walbo hadii aad faraxsantahay iyo hadii aad murugeeysantahay .
2.Iska iloow wixi h**e ee aad kasoo gudubtay sababtoo ah xasuusashada wixi h**e dib u dhac ayeey kugu keeni kartaa, hada si fiican u dadaal si mustaqbalkaada u noqdo mid qurxoon.
3.Ku cibro qaado khaladaadka dadka kale eey sameeyeen si aadan ugu dhicin khaladkaas oo aad isaga ilaaliso.
4.Dhageeyso wanaada dadka kale sababtoo ah qofka kuwaaninaya waxaa laga yaabaa inuu horay u soo maray qodobka uu kaa waaninaayo ama uu ogyahay dhibka ka imaanaya.
5.Ka faa’iideeyso fursadaha kusoo mara maxaa yeelay fursad hal mar kaliya ayeey kusoo mareeysaa.
6.Dadka kale haku deysan shakhsiyadaada isdhis.
7.Noqo Qof daacad ah lana saaxiib mabaadida kuu dagsan, naftaadana ku kalsoonaaw.
8.Marwalbo xiliga aad ku jirto xaaladeeda ku noolaaw haka fikirin bari iyo waxa dhacaya.
9.Iska cafi dadka dhibka kuu geeysta, hana ku saamoobin fikirada dadka kale, hadalka dadka kalana waxaad ka dhigataa jaran jar aad ku gaareeyso hadafkaada.
10.Dadka kale ula dhaqan qaab wanaagsan oo ixtiraam ku dheehanyahay Diinteena Islaamkana waa eey na fareeysaa dhaqanka wanaagsan.