11/01/2025
🚨 Wararkii Ugu Dambeeyey: Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow Spain, wadahadalada u dhexeeya Barcelona iyo wakiilka Marcus Rashford ayaa gaaray heer gabo-gabo ah.
Weeraryahanka Manchester United ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu u wareego kooxda Blaugrana, taas oo ku raad joogta xoojinta weerarkeeda .
Warkan ayaa dhaliyay hadal heyn badan, iyadoo taageerayaasha Barcelona ay filanayaan in Rashford uu noqon doono saxiix muhiim ah oo sare u qaada awoodda kooxda. Sidoo kale, waxay tani noqon kartaa fursad uu Rashford uga soo baxo tartanka Premier League una tijaabiyo La Liga.