28/04/2016
Arsenal Oo U Dhaqaaqeysa Zlatan Ibrahimovic, United Oo Xiiseyneysa Kroos & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Khamiis AhWaxaa Qoray: C/llahi
Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasha qiimiga leh ee ku xiran shabakadda Laacib.net, waa xubintii aan idinkugu soo xariiqi jirnay wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabahii xanta ahaa ee aan kasoo aruurinayay warbaahinta Dunida Kubadda Cagta.
Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda wali ma ahan mid furan, balse koox walba waxey sii eeganeysa xidigii ay u dhaqaaqi laheed marka uu furmo bartamaha sanadkaan.
Kooxda Arsenal ayaa markaan u dhaqaaqeysa soo xerogalinta weeraryahanka kooxda Paris Saint Germain iyo xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic, kaas oo 34-jir ah. (Daily Star)
Sidoo kale tababare Arsene Wenger ayaa doonaya inuu is muujiyo xagaaga dambe wuxuuna doonayaa inuu soo xerogaliyo marka uu suuqa furmo burburiyaha Leicester City N’Golo Kante, waa 25-jir ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan EPL-ka. (The Sun)
Leicester City ayaa sheegtay in Kante ay iska iibin doonaan hadii ay helaan badalkiisa. waxaana dareenka ugu weyn uu soo wajahayaa Arsenal, blase Manchester City ayaa ah kooxda labaad ee ugu weyn kooxaha yurub oo kusoo biirta loolanka xidigaan. (Daily Mirror)
Manchester United ayaa dib usoo celisay xiisahii ay u qabtay kubad sameeyaha Real Madrid Toni Kroos kaas oo 26-jir ah, taasna waxey su’aal sii galineysaa mustaqbalka Van Gaal, tani waxey ka dhigan tahay in Mourinho uu kuso wajahan yahay Old Trafford. (Daily Mirror)
Manchester United ayaa iska iloobeysa xiisahii ay u qabtay daafaca Dortmund Mats Hummels kaas oo 27-jir ah, madama uu hormar fiican sameeyay Daley Blind oo 26-jir ah. (Manchester Evening News)
Barcelona ayaa quuldareyneysa iney suuqa dhigto 25-jirkeeda Marc Bartra, waxeyna kaliya ku heli kartaa 9.3 Malyan Oo Pound, kooxaha Tottenham, Liverpool iyo Man United ayaana xiiseynaya. (Marca)
Kooxda Difaacaneysa Horyaalka Spain (Barcelona) ayaa aad u dooneysa goolhayaha kooxda Bayer Leverkusen Bernd Leno kaas oo 24-jir ah waxeyna la damacsan tahay iney ku buuxiso booska uu baneyn doono 23-jirkooda Marc-Andre ter Stegen. (Marca)
Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa dalab dhameystiran u dirtay kooxda Barcelona iyadoo ka dooneysa daafacii h**e Arsenal Thomas Vermaelen kaas oo 30-jir ah. (Sport)
Daafaca kooxda Borrusia Dortmund Neven Subotic kaas oo 27-jir ah ayaa la filayaa inuu kusoo biiro kooxda Liverpool xagaaga soo aadan. (Revier Sport)
Kubad sameeyaha Tottenham Christian Eriksen ayaa ogolaaday inuu heshiis afar sano ah u saxiixo Tottenham Hotspur, balse wuxuu ku xiray shuruud ah in heshiis laga saxiixo Pochettino ka hor inta aan heshiiskiisa la dhameystirin.