Madaja Sports24

Madaja Sports24 Welcome to Madaja Sports24, Watch all Soccer Highlights Jubaland Football, Daily News, Videos, Info

JBC 🆚 KOBAN: KULAN AAN LA SAADAALIN KARIN.Indhaha taageerayaasha kubadda cagta ayaa berri ku wada jeedsan doona kulan ad...
10/09/2026

JBC 🆚 KOBAN: KULAN AAN LA SAADAALIN KARIN.

Indhaha taageerayaasha kubadda cagta ayaa berri ku wada jeedsan doona kulan adag oo xasaasi ah oo dhex mari doona JBC iyo Koban, iyadoo labada kooxood ay garoonka ku soo geli doonaan laba ujeedo oo kala duwan, balse hal mid ay ka siman yihiin: guul ah.

🔴.JBC waxay dagaal ugu jirtaa hoggaanka horyaalka. Haddii ay berri saddexda dhibcood ka qaataan Koban, waxay isku dhibco noqon doonaan Dekedaha, taasoo sii kululeyn doonta loollanka loogu jiro hoggaanka horyaalka.

🟢Koban ayaa iyaduna wajahaysa xaalad adag, waxaana kooxdu doonaysaa inay ka fogaato khatarta hoos-u-dhaca horyaalka. Guuldarro ay berri kala kulmaan JBC waxay xaaladda Koban ka dhigi kartaa mid sii adkaata, sidaas darteed saddexda dhibcood waxay u yihiin kuwo dahabi ah.

Kulanka ayaa ah mid aad u adag oo aan si fudud loo saadaalin karin. Inkastoo JBC ay u ciyaareyso loollanka hoggaanka, Koban ayaa iyaduna u dagaallamaysa badbaadada iyo inay ka fogadaan hoos-u-dhaca.

90-ka daqiiqo ayaa kala caddeyn doona cidda farxadda qaadan doonta iyo cidda niyad-jabka garoonka kaga bixi doonta.

JBC mise Koban — yaa saddexda dhibcood qaadan doona?

KISIMA-2️⃣SOM-GoAL-1️⃣
10/09/2026

KISIMA-2️⃣

SOM-GoAL-1️⃣

10/09/2026

Full-time:

KISIMA-2️⃣

Som-GoAL-1️⃣

10/09/2026

KISIMA-2️⃣

SOM-GoAL-1️⃣

10/09/2026

KISIMA-2️⃣

SOM-GoAL-0️⃣

10/09/2026

KISIMA-1️⃣

SOM-GoAL-0️⃣

10/09/2026

Kulanka Galabta Ksiima Vs Som Gool.

Hambalyo Qalin-jabinta Jaamacadda, Abdiladhiif Ali Abdi Haajir! 🎓🎉
10/09/2026

Hambalyo Qalin-jabinta Jaamacadda, Abdiladhiif Ali Abdi Haajir! 🎓🎉

09/09/2026

Garsoore Reer Jubaland oo Dhameystay Koorsada FIFA.

Garsooraha reer Jubaland Abdisalaam Ahmed Abdullahi ayaa si guul leh u dhameystay koorsada FIFA MA Youth Referee, taas oo qeyb ka ah tababarrada FIFA ee lagu horumariyo garsoorayaasha kubadda cagta.

Guushan ayaa sare u qaadaysa khibradda iyo aqoonta garsoore Abdisalaam, iyadoo sidoo kale ah tallaabo muhiim u ah horumarka garsoorka Jubaland.

Kulanka Bari: Kisima vs Som-GoalKooxda Som-Goal, oo xilli ciyaareedkan wajahaysa xaalad adag, ayaa berri la ciyaari doon...
09/09/2026

Kulanka Bari: Kisima vs Som-Goal

Kooxda Som-Goal, oo xilli ciyaareedkan wajahaysa xaalad adag, ayaa berri la ciyaari doonta kooxda Kisima, kulan muhiim u ah labada kooxood.

Som-Goal ayaa kulankan u baahan guul si ay uga fogaato khatarta hoos u dhaca, isla markaana ay ugu soo dhowaato kooxaha ka sarreeya dhanka kala sarreynta.

Dhanka kale, Kisima ayaa kulankan soo galaysa iyadoo isbuucii h**e guuldarro la kulantay, waxaana sidoo kale muhiim u ah inay dib ugu soo laabato wadada guulaha.

Kulanka ayaa la filayaa inuu noqdo mid xiiso badan, iyadoo labada kooxoodba ay raadinayaan saddexda dhibcood, gaar ahaan Som-Goal oo guushu muhiim u tahay mustaqbalkeeda tartanka.

Su’aashu waxay tahay: yaa qaadan doona saddexda dhibcood—Kisima mise Som-Goal?

Address

Jalan Persiaran Sinaran Ilmu Bandar Seri Alam
Johor Bahru
81750

Telephone

+252615161809

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madaja Sports24 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Madaja Sports24:

Shortcuts

Share

Category