25/03/2023
Shantii La Sumeeyey, Afartii Dhaawaca Ahaa, Midkii La Ganaaxay Iyo Xaaladdii Uu Ku Jiray Xulkii La Xasuuqay Ee Holland
Shan ciyaartoy ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Holland maalin ka hor ciyaartii xulka Faransiisku uu ku xasuuqay 4-0 Jimcihii, waxaanay sababtu ahayd in ay ku sumoobeen cunto ay cuneen oo ka samaysnayd digaag iyo daqiiq, taas oo keentay inay xanuunsadaan.
Cody Gakpo, Sven Botman, Matthijs de Ligt, Joey Veerman iyo Bart Verbruggen ayaa dhamantood uu tababare Ronald Koeman ka diray tababarka ciyaartoydiisa iyaga oo dib ugu laabtay guryahooda.
Ciyaartoydan ayaa la sheegay inay isku raaceen duray xummad wata iyo calool xanuun, taas oo keentay inay sii wadan kari waayaan tababarka.
Sida uu qoray wargeyska De Telegraaf ee kasoo baxa waddanka Holland, digaagga ay cuneen ciyaartoydan ayaa waxa uu ahaa mid xanuunsanaya, waxaanay taasi keentay inuu usoo gudbo fayraskii marka h**e digaagga ku dhacay oo Arbacadii ay la xanuunsadeen.
Dhinaca kale, Holland ayay dhaawacyo kaga maqnaayeen dersin ciyaartooyo ah, sida Frenkie de Jong, Steven Bergwijn, Teun Koopmeiners iyo Andries Noppert halka Denzel Dumfries uu ganaax ku seegay kulankan.
Holland ayaa waxay hadda ku jirtaa kaalinta ugu hoosaysa ee hormadeeda isreeb-reebka Euro 2024, iyadoo Faransiisku uu ku burburiyey afar gool oo ay u kala dhaliyeen Antoine Griezmann, Dayot Upamecano iyo Kylian Mbappe.