16/08/2019
[ Shaxda Rasmiga Ah Ee Athletic Bilbao vs Barcelona – Miyay Griezmann Iyo De Jong Ku Soo Bilowdeen Kulankoodii Ugu Horeeyay Ee La Liga? ]
Kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa caawa fureysa xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Spain iyagoo marti ku ah garoonka kooxda Athletic Bilbao, waana kulan weyn oo madadaalo fiican noqon kara.
Barcelona waxaa kulanka caawa ka maqan xiddigooda Lionel Messi kaasoo ka soo kabsanaya dhaawac yar oo ka soo gaaray tababarka kooxda.
Antoine Griezmann ayaa ku soo bilowday shaxda Barcelona kulankiisii ugu h**eysay ee La Liga ee isagoo xiran maaliyada Barcelona, waxaana uu ka garab ciyaarayaa Ousmane Dembele iyo Luiz Suarez oo weerarka hogaaminaya.
Dhanka daafaca dhexe waxaa iska garab ciyaara Gerard Pique iyo Lenglet iyadoo Jordi Alba iyo Semedo ay garbaha daafaca ka dheelayaan.
Sidoo Kale Akhri: Diego Godin Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababtii Uu Isaga Diiday Manchester United
Khadka dhexe waxaa ku soo bilowday saxiixa cusub Frenkie de Jong oo ay ka garab ciyaarayaan Sergi Roberto iyo Alena.
Shaxda Athletic waxaa hogaaminaya weeraryahanka sagaalka sannadood u saxiixay kooxda Inaki Williams kaasoo xagaagan ay dooneysay Manchester United.
SHAXDA RASMIGA AH EE ATHLETIC VS BARCA
Athletic Bilbao (4-2-3-1) Unai Simón; Capa, Yeray, Núñez, Berchiche; Unai López, Dani García; De Marcos, Raúl García, Muniain; Williams.
Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Semedo, Piqué, Lenglet, Jordi Alba; Sergi Roberto, de Jong, Aleñá; Dembélé, Suárez, Griezmann.
Keyd: I. Rakitic, Sergio, Rafinha, Umtiti, Junior, Iñaki Peña, C. Pérez
By