29/04/2026
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Cyprian Kubai Iringo ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Danjiraha la wadaagay guulaha laga gaaray la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo horumarka amniga dalka, isagoo xusay muhiimadda iskaashi dhow oo lagu adkaynayo ilaalinta xuduudaha iyo danaha wadaagga ah.
Dhankiisa, Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta, isagoo sheegay in Dowladda Kenya ay ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta labada dal si loo adkeeyo amniga loogana hortago khataraha argagixisada.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Safiir Ku-xigeenka Kenya Ilyaas Barre Shiil.
mediaNews
me