YuusufAbshir

YuusufAbshir Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from YuusufAbshir, Sport & recreation, Yuusuf Abshir, London.

WACAAL: Dowladda Turkiga ayaa gebi-ahaanba joojisey ganacsigii ay la lahayd Israa'iil, Falastiin darteed.
02/05/2024

WACAAL: Dowladda Turkiga ayaa gebi-ahaanba joojisey ganacsigii ay la lahayd Israa'iil, Falastiin darteed.

Waxaa maanta oo khamiisa furmi doona tartantanka horyaalka puntland waxaana maanta lagu daahfuraya Kooxaha kala ah Qardh...
02/05/2024

Waxaa maanta oo khamiisa furmi doona tartantanka horyaalka puntland waxaana maanta lagu daahfuraya
Kooxaha kala ah
Qardho fc vc garawe city
Kulankaas oo ka dhici doona garoonka mire Awaare ee garawe
Halka kooxaha
Bari fc vc hobabaro ay kuciyaari doonaan Awale stadium galkio

UPDATE: Xafiiska Xuquuqul-iinsaanka Puntland  AYAA sheegay in Maxbuus ku jiray Xabsiga Gaalkacyo dhintay todobo kalena  ...
02/05/2024

UPDATE: Xafiiska Xuquuqul-iinsaanka Puntland AYAA sheegay in Maxbuus ku jiray Xabsiga Gaalkacyo dhintay todobo kalena ay ku dhaawacmeen rabashado ka dhashay gacan ka hadal ka dhacay.

Xafiiska aya dowlada Puntland ugu baaqay in baaris lagu sameeyo ciddi ka danbaysay falkaas sababay dhimashada iyo dhawaaca.

UPDATE: Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa hadda gudaha u galay markabka ciidanka badda Turkiga , TCG Kınalıada (F-514) ee ku...
23/04/2024

UPDATE: Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa hadda gudaha u galay markabka ciidanka badda Turkiga , TCG Kınalıada (F-514) ee ku sugan dekedda Muqdisho, kaa oo ay ka dhacayso munaasabadda lagu daahfurayo dhaqangelinta heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha oo ay Dawladda Soomaaliya la gashay Turkiga. Heshiiska ayaa dhigaya ilaalada biyaha Soomaaliya ka hortagga khataraha, xad-gudubka iyo kalluumaysiga sharci darrada ah, halka dhinaca dhaqaalaha uu heshiiskan fursan u siinayo Soomaaliya ka faa’iideysiga khayraadka kalluunka iyo shidaalka, waxaa intaa dheer dhismaha iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya.

Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay is-rasaaseyn dhexmatay rag hubeysa oo la sheegey in ay i...
23/04/2024

Ugu yaraan Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay is-rasaaseyn dhexmatay rag hubeysa oo la sheegey in ay isku haystaan dhul, aga-gaarka shirkadda Korontada NECSOM ee bariga caasimadda Garoowe - Goobjoogayaal.

Dawladda Itoobiya ayaa qariiradan ka baahisay Telefashinkeeda ETV, iyadoo u adeegsanaya ka hadalka Arrimaha Geeska Afrik...
22/04/2024

Dawladda Itoobiya ayaa qariiradan ka baahisay Telefashinkeeda ETV, iyadoo u adeegsanaya ka hadalka Arrimaha Geeska Afrika,ka dib shir oo ay qabatay wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya ayna ka sheegtay in ay waajib tahay in ADDIS ABABA ay hesho albaab ay kagasho Baddaha deriska la ah, ayna ku qasban tahay meelmarinta Heshiisyadii ay lagaleen dalalka jaarka ah, waxay ugu yeereen.

Maxamed Daahir Ceynsane ayaa markii 3-aad loo doortay Gudoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP,asagoona helay 80 c...
22/04/2024

Maxamed Daahir Ceynsane ayaa markii 3-aad loo doortay Gudoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP,asagoona helay 80 cod, halka Yuusuf Yare oo la tartamay uu helay 20 cod

  Sida ay xaqiijinayaan Ilo wareedyo dhanka amniga ah, ilaa 4 xubnood oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland, iskuguna jir...
22/04/2024

Sida ay xaqiijinayaan Ilo wareedyo dhanka amniga ah, ilaa 4 xubnood oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland, iskuguna jira curiyayaal suugaan, xubno dhalinyaro ah iyo Macalin h**ey uga tirsanaa Bahda waxbarashada ee Somaliland ayaa kubiiray kooxaha Argagixiso 2-dii todobaad ee lasoo dhaafay, waxayna tageen Jilib iyo Bu’aale.

Xubnahan ayaa ku kala sugnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, kale h**e Abwaano caan ahaa iyo Aaden Sune oo Hargeysa daganaa, kana kasoo jeeday dhinaca Somaliland ayaa kubiiray kooxahan Argagixiso.

21/04/2024

UPDATE: 180 mayd oo lagu aasay xabaal-wadareed ayaa maanta laga soo saaray isbitaalka Nasser ee ku yaalla Khan Yunis, koonfurta Qasa, labo toddobaad kaddib markii ciidanka Israa’iil ay ka baxeen isbitaalka iyo aagga ku dhow, sida ay soo bandhigtay Al-jazeera.

UPDATE: Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin ayaa u muuqata goob kale oo dagaal, labadii maalin ee u dambeysay waxaa...
21/04/2024

UPDATE: Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin ayaa u muuqata goob kale oo dagaal, labadii maalin ee u dambeysay waxaa lagu dilay 14 Falastiiniyiin ah , rabshadaha ayaana sare u kacay , iyadoo dadkaa qaar ka mid ah ay u dhinteen dhaawac markii loo diidday gaadiidka gurmadka deg deg ah inay qaadaan, gaari nooca gurmadka deg deg ah oo isku dayay inuu qaadana waxaa la dilay darawalkii.

Mareykanka ayaa billaabay inuu si adag uga digo Daanta Galbeed inay noqoto , meel kale oo isku horimaadyo toos ah ay ku dhexmaraan Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, kaddib markii Falastiiniyiinta ay joogteeyeen inay qaadaan weerarro joogto ah iyo qaraxyo ka dhashay xad-gudubka iyo cadaadiska ay kala kulmayaan Israa’iiliyiinta.

Shirweynaha Shaqo Abuurka Dhallinyarada Puntland oo muddo labo maalmood ah ka socdey Garoowe ayaa la soo gebogebeeyey.Sh...
21/04/2024

Shirweynaha Shaqo Abuurka Dhallinyarada Puntland oo muddo labo maalmood ah ka socdey Garoowe ayaa la soo gebogebeeyey.

Shirweynaha waxaa soo agaasimay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaya hay'adaha caalamiga ah.

Cabdiraxmaan Sh. Axmed Habarwaa oo ah wasiirka Wasaaradfa Shaqogelinta iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo xidhay shirka, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada Puntland-na ku boorriyey in la xoojiyo farsamada beeraha, falashada dalagga iyo dabashada kalluunka.

.

Jawiga magaalada laascaano waa sidan maanta
21/04/2024

Jawiga magaalada laascaano waa sidan maanta

Address

Yuusuf Abshir
London

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when YuusufAbshir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share