28/08/2026
Somalia istaageera comment like yaala raadin
🇸🇴 SOMALIA eFOOTBALL — Safarkii FIFAe 2026 ilaa Morocco 🇲🇦
Tartanka: FIFAe World Cup 2026 – eFootball™ Mobile
Marxaladda maanta: FIFAe Continental Championship Africa
Goobta: Casablanca, Morocco
Taariikhda: 27 August 2026
Somalia waxay Morocco ku timid iyadoo ka mid ah 8-da qarAN ee Afrika ee u soo baxay Continental Championship-ka: Morocco, Senegal, Tunisia, Egypt, Tanzania, Nigeria, Somalia iyo Madagascar. FIFAe waxay xaqiijisay in Somalia booskeeda ku kasbatay Consistency Points kadib saddexda qualifying weeks.
🏆 Sidee loo soo maray?
FIFAe Nations League-ka eFootball Mobile wuxuu lahaa 3 qualifying weeks:
* 🗓️ Week 1: 5–7 May
* 🗓️ Week 2: 8–10 June
* 🗓️ Week 3: 7–9 July
Toddobaadyada 1 iyo 2, kooxaha ugu sarreeya group-yada waxay u gudbeen knockout; Week 3-na waxaa jiray double-elimination.
⸻
🇸🇴 WEEK 1 — Bilowgii safarka Somalia
Somalia waxay ku jirtay group ay kula jireen Senegal, Nigeria, Seychelles iyo South Sudan.
Group-ka markii la dhammeeyay, Somalia waxay ku dhammaatay:
🥈 2nd place
4 kulan: 3 guul – 0 barbaro – 1 guuldarro
5 goals scored – 1 laga dhaliyay
9 points
FIFAe xogteeda group-ka waxay muujinaysaa in Somalia ay ahayd 2-aad, Senegal-na ay ahayd 1-aad.
Taasi waxay Somalia siisay bilow aad u xooggan, waxayna u gudubtay marxaladda knockout-ka.
⸻
🇸🇴 WEEK 2 — Somalia oo mar kale tartanka ku adkaatay
Week 2 Somalia waxay gashay group aad u adag oo ay ku jireen:
🇸🇳 Senegal
🇿🇦 South Africa
🇸🇨 Seychelles
🇸🇿 Eswatini
🇨🇩 Congo DR
Natiijada group-ka:
🥈 Somalia — 2nd place
5 kulan
3 guul
1 barbaro
1 guuldarro
8 goals scored
2 goals conceded
10 points
Senegal ayaa 1-aad noqotay 13 points, Somalia-na 10 points.
Somalia waxay sidaas ku gaartay knockout-ka Week 2. Laakiin knockout-kaas waxay ku dhammaatay kaalmaha 9–16, taas oo siisay 60 Consistency Points.
⸻
🇸🇴 WEEK 3 — Halka Somalia dhab ahaan qaraxday 🔥
Tani waxay ahayd qaybtii ugu muhiimsan ee Somalia.
Week 3 Somalia waxay ku jirtay group ay ku jireen:
🇸🇿 Eswatini
🇲🇦 Morocco
🇬🇭 Ghana
🇸🇨 Seychelles
🇨🇩 Congo DR
Somalia waxay noqotay:
🥇 1st PLACE! 🇸🇴🔥
5 kulan:
4 guul
1 barbaro
0 guuldarro
10 goals scored
2 goals conceded
13 points
+8 goal difference
FIFA.GG waxay si rasmi ah u diiwaangelisay Somalia 1-aad, iyadoo Eswatini 2-aad, Morocco 3-aad noqotay.
Kulankii Morocco 🇲🇦 vs 🇸🇴 Somalia
Mid ka mid ah kulamadii ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa:
🇲🇦 Morocco 1–1 🇸🇴 Somalia
Taasi waxay muujisay in Somalia aysan kaliya garaacin kooxaha kale, balse ay awood u lahayd inay Morocco la ciyaarto oo ay dhibic ka qaadato. FIFA.GG waxay sidoo kale diiwaangelisay kulamadii kale ee Somalia iyo Morocco ee qualifying-ka.
Congo DR 🇨🇩 vs Somalia 🇸🇴
Week 3:
🇨🇩 Congo DR 0–3 🇸🇴 Somalia
Somalia waxay ku bilowday guul 3–0 ah.
⸻
📊 Marka saddexda Week la isku daro
Waxa muhiimka ah waa in FIFAe aysan kaliya eegin hal tournament. Waxay isticmaashay Consistency Points, kuwaas oo laga helay performance-ka saddexda qualifying weeks iyo knockout stages.
Somalia waxay sidaas ku noqotay mid ka mid ah 7-da dal ee qualification-ka ku helay performance, halka Morocco ay host ahaan automatic qualification ku heshay.
🇸🇴🔥 Maxaa Somalia ka dhigay koox khatar ah?
Waxa ugu weyn waa consistency.
Somalia ma ahayn koox hal mar nasiib ku soo baxday. Waxay saddexda qualifying stages si joogto ah uga mid ahayd kooxaha sare:
Week 1 → Top group / knockout
Week 2 → 2nd place group / knockout
Week 3 → 🥇 1st place
Week 3 gaar ahaan waxay ahayd fariin xooggan: Somalia waxay ku dhamaysatay 4W–1D–0L, iyadoo dhalisay 10 oo laga dhaliyay 2 oo keliya.
-magafe-