22/04/2026
Kooxda Manchester United ayaa la filayaa inay si weyn uga dhex muuqato suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo doonaysa inay gacanta ku dhigto dhowr saxiix oo muhiim ah, kuwaas oo kor u qaadi doona tayada kooxda ee xilli ciyaareedka soo socda.
Wargeyska LiveScore ayaa sidoo kale daabacay sawir ay ku soo bandhigayaan saf ciyaareed suuragal ah oo ay Red Devils yeelan karaan, haddii ay ku guuleystaan saddex saxiix oo kamida kuwa ugu cad cad suuqa kala iibsiga.
Ciyaartoydaas ayaa kala ah daafaca "Nico Schlotterbeck" oo hadda u dheela kooxda Borussia Dortmund, daafaca bidix "Lewis Hall" oo isna u ciyaara Newcastle United, iyo khadka dhexe "Elliot Anderson" oo jooga Nottingham Forest.
Haddii saxiixyadan gacanta lagu dhigo, Manchester United waxay nasiib uyeelanaysaa saf isku-dhafan oo ka adag kii h**e, taasoo sare u qaadi doonta awooddooda tartamada waaweyn ee xilli ciyaareedka dambe.
Follow Garoon Joog