23/08/2024
Ninka kaliya ee aan madaxayga ku aamminay timo-jareyaaasha magaalada Jigjiga 👇🏾
Yuusuf Ibraahim Cige (JEEGO) waxa uu ka mid yahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee fahmay sirta ganacsiga; una badheedhay inay qabtaan shaqooyinka ay inta badan innagala wareegeen qoomiyadaha kale ee Ethiopia ka ahi.
Kuma dooran garasho iyo aqoon kale oo aan u leeyahay, kumana dooran dhaldhalaal iyo dhismaha goobtiisa ganacsiga oo qurxoon waxaanse ku doortay xirfaddiisa timo-jarennimo oo aad u sarraysa.
Qiimo ka jaban kuwan innagu baadha magaalada kaddibna sadaqo ahaan lacagteena ugu darsada dhismaha Kaniisadaha, xirfad sare iyo lacagtaada oo ku noqonaysa gacanta wiil Soomaaliyeed waa qodobbada ugu miisaanka culus ee aan ku doorbiday inaan ka xiirto rayslaha JEEGO.
Kasoo horjeedka bangiga dhiigga ee dhakhtarka wayn ee Sheekh Xasan Yabarree, dhanka dayrka Wakaaladda War-baahinta kaga deggen dhakhtarka Madiina ayay ku taal goobtiisa ganacsigu.