14/10/2026
🚨 CABASHO IYO TACADDI XAGA WAQTIGA AH LAGU HAYO RAKAABKA DUULIMAADYADA GUDAHA!
Osman Gedi, oo ahaa muwaadin safar ugu socday magaalada Beledweyne, ayaa ka hadlay dhibaatada ay rakaabku kala kulmaan diyaaradaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhacyada duulimaadyada iyo saacadaha badan ee lagu xannibo garoomada diyaaradaha.
🕕 Wuxuu yiri: Saaka 6:40 AM ayaan soo galay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde. Farriinta shirkadda StarSky Aviation waxay rakaabka Beledweyne ku wargelisay inay garoonka yimaadaan 7:00 AM. Hadda waa 11:55 AM, welina diyaaraddii Beledweyne noo qaadi lahayd ma aannu raacin.
Diyaaraddu waxay duulimaadkii labaad u qaaday magaalada Baydhabo, taas oo ka dhigan in rakaabka Beledweyne loo qaadi karo wixii ka dambeeya 1:00 duhurnimo.
Su'aashu waxay tahay: Ma habboon tahay in waayeel, carruur yaryar iyo muwaadiniin safar ah lagu hayo garoonka muddo ka badan lix saacadood, iyadoo aan la siin adeeg hufan iyo xog cad oo ku saabsan duulimaadkooda?
Waxaan su'aashan si toos ah u weydiinaynaa Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyo maamulka Garoonka Aadan Cadde: Ma raalli baad ka tihiin in shirkadaha diyaaradaha gudaha ay muwaadiniinta sidan ula dhaqmaan?
Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin adeeg wanaagsan, ixtiraam iyo ilaalinta xuquuqdooda. Fadlan arrintan wax ka qabta, hana loo gurmado rakaabka dhibaataysan.
Safarku waa xuquuq muwaadin, ma aha in qofka lagu ciqaabo saacado badan oo sugitaan iyo jahawareer ah! 🇸🇴