02/10/2026
🚨Rasmi: Manchester City ayaa qaadatay Racfaan.!!
Bayaaan| Manchester City Football Club ayaa xaqiijisay in 7:00 fiidnimo, Khamiistii 1-da Oktoobar 2026, ay si rasmi ah u gudbisay racfaankeeda oo dhammaystiran, iyadoo ka hor timid go’aanka/ra’yiga Guddiga Premier League ee kiiska anshaxa ee Premier League.
Mowqifka adag ee Manchester City ayaa ah in ra’yiga Guddigu uu leeyahay khaladaad waaweyn oo cad, kuwaas oo la xiriira sharciga, mabaadi’da iyo xaqiiqooyinka, sidaas darteedna uusan ahayn go’aan lagu kalsoonaan karo.
Kooxdu waxay sheegtay inay aanay wax dambi ah ka gelin eedeymaha Premier League, isla markaana ay hayso caddeymo badan oo aan la dafiri karin oo taageeraya dhammaan mowqifyadeeda iyo dooddeeda ku saabsan kiiskan.
Manchester City waxay intaas ku dartay inay sii wadi doonto ixtiraamka nidaamka sharciga iyo habraaca cadaaladda, balse aysan hadda faahfaahin dheeraad ah ka bixin karin kiiska, maadaama dhammaan dacwadaha iyo habraacyadu aysan weli dhammaan.